Degmada jowhar oo laga dareemayo xaalad dagaal

0
12

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle, kadib markii halkaasi lagu arkay xubno Shabaab ah.

HirShabelle oo ka war heshay arrintan ayaa dhankeeda qaaday tallaabo deg-deg ah, waxaana ciidamo dheeraada ay ku kordhisay askartii horay u joogtay baraha koontarool ee laga soo galo magaaladaasi, si ay usii adkeeyaan ammaanka guud ee caasimada.

Sidoo kale, ciidamada nabad-sugidda HirShabelle ayaa iyaguna isku fidiyay banaanka magaalada, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah, waxayna gacanta kusoo dhigeen illaa 4 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay innoo sheegeen inay arkayaan ciidamada oo gaaf wareegayaa nawaaxiga Jowhar, iyaga oo ilaalinayo amniga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay maxda maamulka HirShabelle oo ku aadan xaalada soo korortay iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ee ka socda Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here