Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaaal ah oo goordhaw lagu garaacay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwo ku dhadhaw Madaxtooyada Soomaaliya.
Hoobiyaasha ayaa la sheegay iney ku dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Xamarweyne, Xamar jajab iyo Shibis ee gobolka Banaadir, kuwaas oo jugtooda laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hoobiyaasha ay sababeen dhimasho hal ruux iyo dhaawaca sadax kale oo dhawaantood ah dad shacab ah oo hoobiyaasha ugu tageen xafaadahooda.
Weerarada noocaa ah ee madaafiicda loo adeegsanaayo ayaa inta badan waxaa masuuliyadooda sheegta kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dhawaan kooxdu sidaan oo kale hoobiyaal ugu weerartay agagaarka xarunta madaxtooyada iyo Xerada Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.