Madaxweynaha oo kulan deg deg ah la qaatey saraakiisha ciidamada qalabka sida

0
18

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir deg-deg ah madaxtooyada kula qaatey saraakiisha ugu sarreysa ciidamada.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidanka ka dhageystay warbixinno la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah. Saraakiisha ciidanka ayaa si gaar ah madaxweynaha uga warbixiyay howl-gallada ka socda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Ciidamada qaranka ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay sameeyey dib u gurasho aan horay loo arag, waana arrinta miiska u saaran Xasan Sheekh in xiligaan uu wax ka bedelo, kooxda Al-Shabaab ayaa ku taameysa in weli dhul hor leh ay sii qabsato, maadaama meel kasta ay isaga cararayaan ciidamada dowladda.

Soomaaliya ayaa gashay marxalad dagaal oo xasaasi ah, ciidamada ayaa wajahay guul darooyin waaweyn, deegaano muhiim ah ayaa dib ugu laabtay xagmaha argagixisada Al-Shabaab, ciidamo badan ayaa dowladda uga dhintay dagaalka, waxaana halis ku jira degmooyinka hadda xorta ah, taas oo khasab ka dhigeysa in wax laga bedelo qorshaha dagaal ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here