Ciidamada dowlada oo alshabab kala wareegay deegaanka wargaadhi

0
9

Ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay jab xooggan gaarsiiyey kooxda Alshabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas lagu laayey dhagarqabayaal badan, sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la jebiyey kooxda Alshabaab oo deegaanka Wargaadhi ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo cashir u dhigay Kooxda.

Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Ibraahim Intarfeer oo ku sugan deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in degaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda oo aysan jirin in Al shabaab la wareegeen.

Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Ibraahim Intarfeer oo goor dhow wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay khasaare xoogan ay gaarsiiyeen Al shabaabkii soo weeraray degaanka Wargaadhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here