Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo intiisi badan warbixino dhinaca ammaanka ah lagu falanqeeyay, sidoo kale lagu ansixiyay Hindise-Sharciyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).
Dhinaca kale Shirka inta uu socday waxaa warbixinada dhinaca ammaanka dalka quseeya gaar ahaan Dagaalka ay Dowladda Soomaaliya kula jirto Kooxda Al shabaab looga dhageystay Wasiirada Gaashandhiga iyo Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyagoona ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaaladii dalka ka dhacay ee lala galay Al shabaab.
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhageysiga warbixinada ammaanka kadib waxa ay ay bogaadiyeen guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagexisada sida Al shabaab.