Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud inuu ka dhabeeyo gogosha wada-hadal ee uu u fidiyay saamileyda siyaasadda.
Deni ayaa xusay in muddadii ay Puntland ka maqneyd shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, in laga weecday dastuurkii horey loogu heshiiyay.
Wuxuu ku baaqay in dib looga noqdo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, isla markaana si qoto dheer loo eego tallaabo kasta oo la qaadayo.
Sidoo kale, Madaxweyne Deni wuxuu carrabka ku adkeeyay in labada Aqal ee Baarlamaanka looga baahan yahay inay ilaaliyaan midnimada dalka, ayna diidaan wax kasta oo lid ku ah wadajirka dadka.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ma caddeyn mowqifkiisa ku aaddan in Puntland ay ka qeyb geli doonto gogoshada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyay.