Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/content/d/a/a/daafeet2010/html/index.php:2) in /home/content/d/a/a/daafeet2010/html/wp-includes/feed-rss2.php on line 8
Daafeet http://daafeet.com/dafeetnew Warar Sugan Mon, 03 Aug 2015 13:35:30 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.2.3 Gudomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Osman Jawaari oo Xaley Ka Qeyb Qaatey Xeritaanka Cayaraha Somali week http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21776 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21776#comments Mon, 03 Aug 2015 13:35:30 +0000 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21776
Continue Reading »]]>
Tartankii ciyaaraha Somali-Week ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Toronto ee dalka Canada, kuwaasoo billowday 24-kii July illaa 03-da August – 2015-ka oo maanta ah. Iyadoo koobka ay ku guuleystay Koox ka socday Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Ciyaaraha Somali-week ee sannadkan ayaa muhiim u ahaa Sannad-guradii 25-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Somali-week, iyadoo la aasaasay Sannadkii 1990-kii. Waxaana Nasiib u yeeshay inuu koobka guddoonsiiyo kooxdii guushu raacday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Tartankan ayaa waxaa ka Qayb-galay 12-kooxood oo kuwa Kubadda Cagta ah, kuwaasoo ka kala yimid; Washington DC iyo Columbus, OHIO oo Mareykanka ku yaalla iyo sidoo kale, Magaalooyinka Ottawa iyo Toronto ee dalka Canada.

Ciiyaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka Somali-Week ayaa waxaa isku arkay kooxaha Banaadir oo ka dhisan Toronto & OHIO TMT oo ka dhisan gobolka ee dalka Mareykanka; waxayna guushu 3-2 ku raacday kooxda OHIO TMT.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21776 0
Daawo Garyaqaan Maxamed Abukar Gaytaano oo Ka Hadlaya Tacdiyaadka Ka Socda Gobolka Shabelaha Hoose http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21773 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21773#comments Sun, 02 Aug 2015 14:21:02 +0000 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21773
Continue Reading »]]>
Garyaqaan Maxamed Abukar oo ka mid waxgaradka kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose isla markaana waxaa uu si aad ah uga hadlaa tacdiyaadka loo geysto gobolka shabeelaha hoose iyo kooxaha duulaanka ku ah gobolka wareysi uu siiyey Royal Tv nala daawada.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21773 0
Gudoomihii Hore ee Degmada Marka oo Ka Hadley Dhibaatooyinka Amison Ku Heyso Degmada Marka http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21771 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21771#comments Sun, 02 Aug 2015 14:16:02 +0000 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21771
Continue Reading »]]>
Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan “Yariisoow” ayaa ka hadlay tacadiga ciidanka Amisom ay ka geysteen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxamed Cismaan Yariisoow, ayaa sheegay in ciidamada Amisom falka ay ku laayeen dadka shacabka ah uu yahay mid aan la isaga hari doonin, isaga oo tilmaamay in arintani ay soo noq noqotay oo waxba laga qaban waayay.

Yariisoow, ayaa ku waramaayo in ciidamada Amisom uu la xiriiray, islamarkaana uu kala hadlay arintaan, isaga oo si adag u sheegay inaan looga hari doonin dhibaatada Amisom dadka shacabka ah ay u geysatay.

Dadka Amisom ay laysay ayaa waxaa ku jira Aabe iyo afar caruur ah uu dhalay oo ay ku dileen Magaalada Marka ee xarunta Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Tacadiyada ka dhanka ah ciidamada Amisom ay ka geystaan Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa noqday kuwa soo laa laabta oo aysan jirin cid Amisom kula xisaabtanta, xilli shacabka Magaalada ay Dowladda ku dhaliilayaan inaysan wax ka qaban dhibaatooyinka ciidanka Amisom ay ka geystaan Magaaladaasi.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21771 0
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Sheegey in Maamulka Keliya ee Sharciga Ku Dhisan uu Yahay Midka Puntland http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21769 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21769#comments Sun, 02 Aug 2015 14:10:26 +0000 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21769
Continue Reading »]]>
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad uu ka jeediyay Xuskii 17-sano guuradii Aasaaskii Puntland ku sheegay in Puntland ay tahay maamulka keliya ee sharciga ku dhisan Somalia oo dhan.

C/weli Gaas ayaa intaas ku daray inuu xubnaha Al-shabaab ee soo goosanaya ay haystaan muddo bil ah oo ay ugu soo biiri karaan maamulkiisa, cafikaas oo uu ku sheegay inuu yahay kii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, isagoo ka Hadlayay Arrimaha Federaalka Somalia ayuu sheegay in Puntland ay tahay maamulka kaliya ee sharciyad leh. Isagoo intaas ku daray inay doonayaan inay raadiyaan dowladnimo taam ah oo aan cidna marti loogaga ahayn.

C/weli Gaas ayaa ku dhawaaqay in sanadka soo socda uu noqonayo Sadnadkii la dagaallanka Musuq-maasuqa. Wuxuuna sheegay in doorasho ay ka dhici doonto Sannadka 2019-ka doorashadaa oo ah Qof iyo Cod.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21769 0
Daawo Barnaamij laga Diyaariyey Go,aankii ay Gaartey Xukuumada oo Ahaa In Doorasho La Qaban Karin http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21767 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21767#comments Sat, 01 Aug 2015 14:27:37 +0000 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21767
Continue Reading »]]>
Kol dhow ayay aheyd kolkii labada gole ay isku raaceen in wadanka uusan ka dhici karin doorasho sanadka 2016 telefishinka qaranka ayaa waxaa uu ka diyaariyey barnaamij ku saabsan qaabka loo hiigsan doono 2016.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21767 0
Ciidanka Amisom oo Xaley mar Kale Dad Shacab ah ku Laayey Degmada Marka http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21765 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21765#comments Sat, 01 Aug 2015 14:19:45 +0000 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21765
Continue Reading »]]>
Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Askar ka Tirsan AMISOM ay Xalay Dad shacab ah ku dileen gudaha magaaladaas.

Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyey todoba ruux oo shacab ah in ay ciidamada AMISOM xalay toogteen, waxaana dadka la dilay la sheegay inuu ku jiray Aabbe iyo Caruurtiisa. Sidoo kale waxaa jira dad ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasoo la geeyay Isbitaalka degmadaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidanka AMISOM ay nolosha ku kaxeysteen dhallinyaro badan oo ka mid ah kuwa deegaanka illaa iyo hadda lama oga halka ay la aadeen.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii la sheegay in shalay ciidamada AMISOM Qarax lagula eegtay Xaafadda Ruusiya ee Marka, iyadoo xaaladda ay tahay saaka mid kacsan.

Si kastaba arintu ha ahaatee gumaadka ay ciidamada amisom ka wadaan gudaha dalkla somaliya ayaad waxaad moodaa in ay sababtey la xisaabtan la,aanta falalka ay ka geystaan dalka gudihiisa dhibtan mid la ah ayaa waxaa ay ka dhacdey tuulooyinka hoos taga degmada buruhakaba halkaas oo ay ciidanka itoobiyaanka ku dileen dad shacab ah.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21765 0
Waxqadabka Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka Somaliya http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21763 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21763#comments Sat, 01 Aug 2015 14:11:40 +0000 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21763
Continue Reading »]]>
Wax qabadka Wasiirka oo taxane ahaa, waxaan qaybta 1aad uga hadalnay wixii u qabsoomay tan iyo markii uu qabtay Xilka Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya. Qaybtaan waxaan uga hadli doonaa wixii raad ah ee uu degaankiisu ku soo kordhay isla xilliga kooban ee uu xilka haayo.

Balse, marka hore waxaan dib u milicsan doonaa qodobo aan qaybta 1aad ku soo qaadanay si aan u iftiimino sida uu had iyo goorba Mudane Farkeeti ugu heelanyahay sidii degaannadiisu ay horumar siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulshoba u samayn lahaayeen.

Mudane Farkeeti, ka mid ahaanshihiisa ergadii Shirkii lagu soo dhisay Dowladdi Federaalka KMG ahayd ee uu Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed loogu doortay Madaxwayne; waxay reebtay raad waara. Walow amaanta lala wadaago, hadana xubin firfircoon oo talo iyo tusaale xambaarsan ayuu ka ahaa eregada dhexdooda. Isaga iyo rag kale waxay kaalin mug leh ka qaateen horumarinta afka hooyo iyo ka dhaadhicinta bulshada Soomaaliyeed iyo tan Caalamkuba in shirka guushiisu ay wax wayn ka tarayso tixgelinta aragtiyooyinka siyaasadeed ee ka turjumaya degaannadiisa. Dadaal dheer ka dib waa lagu guulaystay in Afka Maayga lagu xardho Dastuurka Jamhuuriyadda.

Si kastoo ay tahayba, waxaa xusin mudane in Mudane Farkeeti uu hiil iyo hooba ka helaayay ka guul-gaarista arintaan aqoonyahanno had iyo jeer u taagan horumarinta dhaqanka iyo siyaasadda degaanka uu ka soo jeedo.

Hadaba, aan u degno dulucda qaybtaan oo aan ku soo qaadan doono sifooyinka iyo astaamaha Mudane Farkeeti hambaarsanyahay kuwaas oo dhab-ahaantii, la is-dhihi karo waa kuwo gabi ahaanba ka duwan astaamaha lagu xanto Siyaasinta kale ee Soomaaliyeed. Waxaan ku soo koobi karnaa qodobadaan hoos ku xusan:

1) Dhiiro gelinta dhaliyarada:

Mudane Farkeeti wuxuu bogga kowaad kaga jiraa, si ka duwan siyaasiyiinta kale ee la jiilka ah, ku dhiiro galinta dhalinyarada sidii ay noloshooda horumar ugu samayn lahayeen. Wuxuu had iyo goor bogaadiyaa dhalinta isagoo talo iyo gacanba aanu ka hagran. Marar badan ayuuna shirar arrimahaan ku aadan u qabtay dhalinyarada isagoo waliba waqtigiisa mug fiican ka siya, walow ay jirto in uu mashquul ku yahay arrimaha Wasaaradda. Dhiiro gelintiisa awgeed, waxaa kordhay tirada aqoonyahanno ee heerkeedu sare u kacay tan iyo inta uu xilka haayo.
Inta badan dhalintu wuxuu ku dhiiro galiyaa labadaan arrimood:

1-a) Horumarinta Xirfadooda:

Mudane Farkeeti wuxuu aad u gacan siyay dhowr aqoonyahanno oo dhaliyaro ah oo gaarayaa 30-meeyo, isagoo inta badan ka gacan siyay horumarinta xirfadahooda shaqo. Ogow, dhalintu uma kala baxsana. Halbeegiisu waa ‘qofku akhlaaq ma leeyahay, aqoon ma leeyahay, hammi ma ku jiraa, wax ma qabsan karaa.’ Haa… u hiili.’

Waxaa marag ma doonto ah inta qof nasiib u yeelatay in ay ka mid noqdaan Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaliya tan iyo markii uu xilka la wareegay oo waliba aad u kooban. Sidoo kale waxuu gacan hagar la’aan ah ka gaystay horumarinta diplomaasiyiinta da’da yar.

1-b) Horumarinta waxbarashada dhaliyarada:

Mudane Farkeeti wuxuu sabab u ahaa tiro dhalinyaro ah oo deeq waxbarasho u sugnaatay kuwaas oo iminka ku tamashlaynaya Jaamacadaha dibadda iyo kuwa gudaha. Hiilka dhalintu uu siyo hayb iyo xigti kuma salaysna!

2) Dhiiro gelinta Siyaasiyiinta wax tarka leh:

Waxaa marag ma doonto ah sidoo kale; in mudane Farkeeti uu dhiirogalin Siyaasadeed la garab istaagay siyaasiyiin ku cusub saaxadda siyaasadda si ay kaalintooda ugu qaataan horumarinta bulshada ay ka soo jeedaan. Siyaasiyiintaan ayuu u arkaa in ay anfac ku soo kordhin karaan shacabka ay matalaan. Talo iyo tusaalayn ayuu kula dadaalayaa xaqiijinta hadafka guud ee ummada.

3) Dardargelinta Mashaariicda xaqqa ah:

Wasiirku wuxuu si-kal-iyo-laab ah isu xilqaamay hergelinta Mashaariicda wax ku oolka leh ee kaabaya dhaqan-dhaqaalaha degaannada uu ku soo jeedo. Inta uu huwanyahay mansabka xafiiska ugu sareeya Maaliyadda Dalka, wuxuu ku guulaystay hagidda mashaariic suurta galnimadoodu adkaan lahayd; uuna ku hogaamiyay degaanka uu ka soo jeedo si xaqqa saamiga ah u helaan, iyada oo aan sad bursi iyo is-dabamaris midna aan lahayn. Mashaariicda lagu fuliyay Gobollada qaar ee dalka oo aan wali lagu fulin degaankiisa ayaa tusaale kugu fulan ah.

4) U doodidda Degaankiisa:

Wasiirku wuxuu ku caanyahay u doodidda xaqa Siyaasadeed ee uu degaankiisu leeyahay. Tan oo dhaqan u ah, ayuu had iyo jeer ajandaha ku darsadaa sidii ay u muuqan lahayd barnaamij wax tar u leh meelaha uu ka soo jeedo. Wuxuu ku booriyaa dadyowga uu la kulmo hawlo u adeegaya hadafkaas isagoo xaqiijiya in ay hawlahaas ay miro-dhal noqdaan.

Hadaba, Mudane Farkeeti waa cadceed soo baxday. Saxaad daboolana ma jiro. Wuxuuna Alle Idinkii ku guulaysanaya dacaadnimadiisa iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyo, si hagar la’aan ah, horumarinta siyaasaddda, bulshada, iyo degaanka uu ka soo jeedo.

Gabo-gabo: Waxqabadka Mudane Farkeeti waxaa lagu qiray bari iyo galbeed inta u dhaxaysa ee dunnida. Waxaa intaa sii dheer dheela-tiranka uu ku wado wax-u-qabashada ummdda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan degaannada uu matalo. Warmurtiyeedkii soo baxay 29-30 July, 2015 ee shirkii ka dhacay Moqdishu si gaar ah ayuu u xusayaa waxqabadkiisa.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21763 0
Ciidanka Itoobiyaanka oo maanta Duqeymo ka Geystey Deegaano Hoos Taga Degmada Buurhakaba http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21761 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21761#comments Sat, 01 Aug 2015 14:05:07 +0000 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21761
Continue Reading »]]>
Diyaaradaha Dagaalka ee Qummaatiga u kaca ayaa duqeeyay deegaanno ku dhow degmad a Buur-hakaba ee Gobolka Bay, inkastoo aan la ogeyn khasaraha ka dhashay duqeyntan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan ay qayb ka yihiin Diyaaradaha Itoobiya ee qaybga ka qaadanaya howlgallada AMISOM ay kaga horjeeddo Al-shababaab. Iyadoo wararku intaas ku darayaan in duqeymanahan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Buurhakaba ayaa sheegay inay maqlayeen duqeynta ay geysanayeen diyaaradaha dagaalkan, waxaana la arkayay, iyagoo jawi hoos ku duulayay deegaanada ay kor marayeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka ah ay ka wadeen duqeymo deegaannada ay Koonfurta Soomaaliya kaga sugan tahay Al-shabaab, xilli dhanka kale ay socdaan howlgallo millateri oo labada degmo looga qabsaday Al-shabaab.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21761 0
Daawo Xildhibaan daahir aAmiin Jeesow oo Wareysi Dheer Siiyey Idaacada Royal Tv http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21759 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21759#comments Sat, 01 Aug 2015 01:54:41 +0000 http://daafeet.com/?p=21759
Continue Reading »]]>
Xildhibaan daahir amiin jeesow oo ka mid ah xildhibaanada oo booqasho ku tegey dalka ingiriiska ayaa waxaa uu wareysi dheer siiyey idaacada toral tv isagoo ka hadley arimo dhowr ah oo ku saabsan federalka iyo aminiga dalka.

Wareysigiina waxaa uu u dhacay sidan.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21759 1
Kulankii Shariif Xasan iyo Beelaha Mudulood oo Si Wanaagsan Ku Dhamaadey http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21753 http://daafeet.com/dafeetnew/?p=21753#comments Fri, 31 Jul 2015 14:59:15 +0000 http://daafeet.com/?p=21753
Continue Reading »]]>
Masuulka Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan ayaa si hoose uga hadlay Siyaasadda uu adeegsan doono kolka ay bilaabato soo xulista Wakiilada Baarlamaanka cusub ee Maamulkiisa.

Shariif Xasan oo Muqdisho kulan Albaabada u xirnaa kula yeeshay Siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda Gobolada Dhexe ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub Maamulkiisa lagu soo xuli doono Hab Beeleed, balse uu ka eegi doono Kartida qofnimo ee ay leeyihiin.

Shariif Xasan oo maalmahaan ku mashquulsan la kulanka Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Beelaha Abgaal iyo Habargidir ayaa cadeeyay in Xildhibaanada cusub ee Seddaxda Gobol lagu soo dhisi doono Cadaalad.

Ganacsatada Beelaha Habargidir iyo Abgaal ayuu Shariif Xasan ka codsaday inay Gacan kasiiyaan Maamulkiisa dhanka Dhaqaalaha inta Beesha Caalamka ay kabixin doonto Dhaqaalihii loogu talagalay Seddaxda Gobol.

Shariif Xasan oo xooga saaraya in Maamulkiisa Seddaxda Gobol ay iska dhex arkaan dhamaan Shanta Beel ee Soomaaliyeed ayuu sidoo kale u balan qaaday Beelweynta Mudulood inuu siiyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Seddaxda Gobol.

]]>
http://daafeet.com/dafeetnew/?feed=rss2&p=21753 12