Gurigaaga Marti Ka Noqo, Danahaaga Haka Tashanin, Waa Arin Ay Halgamayaal Farabadan oo Aduunka Ay Ka Dhiidhiyeeen, Sida Nelson Mandela – Hogaamiyihii Koonfur Afrika

1
86

maqalAduunkan aan ku nool nahay, waxaa taarikhda inta badan ku xusan in bulsho kasto marka ay rabto iney ka tashato danaheeda gaarka ah, ay soo baxaan dad ka tirsan isla bulshadaas oo doonista danaha bulshada halgankeeda safka hore ka gala iyo kuwa si qaldan wax loogu sheego ama u fahma oo rabitaaanka umadooda daba mara ama ka horyimaado, sababo  ay ka mid yihiin arimo dhaqaale, jago doon ama  kuwo kale aan la garankarin.

Hadaba, tan iyo bilowgii bishii Apil 2013 oo ay bilwodeen dhaqdhaqaaqyo ama kacdoon  maamul doon ah, kaas oo ka bilowday meelo badan oo ka tirsan dalka Somaliya gudihiisa iyo dibediisa, kaas ujeedadisa tahay in  dib loo dhiso  maamul goboleedka  lixda gobol ee koonfur galbeed ee Somaliya (Bay, Bakool, Gedo, Jubbada hoose, Shabeelaha hoose, Bakool iyo Jubbada Dhexe,)  maamul goboleedkaas  oo hore loogaga dhaqwaaqay  Baydhabo, 02 April 2002, laakiin sababo badan owgeed maamulkii uu hakad galay mudo dheer.

Ka dib dhaq dhaqdhaaqyadaas  cusub oo dib loogu dhisaayo maamul goboleedka koonfur galabeed, waxaa soo ifbaxday in Xildhibaan Sharif Hassan oo ka mid ah xildhibaano ku jira baarlamaanka Somaliya oo  ka soo jeeda koonfur galbeed, oo lagu tuhunsanyahay inay dabada ka rixayaan shaqsiyaad  ka tirsan dowladda Federalka  Somaliya iyo maamulo kale,  taas oo sababtay in Xildhibaan Shariif Hassan uu  ka soo hojeedsado rabitaanka shacabka koonfurgalbeed  ee dhismaha maamul goboleedka koonfur galbeed ee lixda gobol.

Inta badan  siyaasadda  Shariif  Hassan  ama kuwa ku ra’i ah ayaad moodo inaysan  laheen wax wadaniyadd ah ama hadaf la garankaro ama la ah gaashan buu dad hadaf ahaan ka soo horjeeda danaha shacabka koonfurgalbeed. Taas oo loo arkay in danooyinkooda gaarka ama dano duulal kale ay ka hormariyeen danta guud ee shacabka koonfur galbeed.  Waa suaal dad badan ay iswiidiiyaan, ma jirtaa hal arin oo lagu badbaadinaayo shacabka koonfurgalbeed oo lagu xasuusto Shariif Hassan oo uu qabtay?  Kumanaan kun  barakacaal  ah oo ka soo jeedo koonfur galbeed ayaa ku sugan caasimadda Mudishu!  Hadii dad kaas ay Shariif Hassan dadkiisa yihiin, maxaa loo waayey hal barnaamijyo oo dadkaas wax looga qabanaahyo oo shariifka  Hassan horboodayo?   Gudoomiye baarlamaan, Wasiir Maaliyaddeed  iyo Xildhibaan  ayuu soo qabtay 10 kii sano ee ugu dambeeysay? Maxaad  Sharifow ummaddan  koonfur galbeed ku sheegataa?  Weli ma booqday Isbitaalka Baydhabo, oo xaaladiisa  tahay mid aad u daran! Waa maxay masuuliyadda aad hayso, weli ma isweeydiisay!  Aniga waxay iila tahay, waa masuuliyad weyn in qofka uu noqdo xildhibaan ama wakiil bulshada ka tirsan, oo berito Alla hortiisa  lagula la xisaabtami doono!  Kuwa Shariif Hassan dadba kacayna, maxay u daba kaceen!  Tareenka aad raacdeen ma garaneysaaan  meesha uu idin geyn doono iyo cidda  wadda iyo ujeedada  ka dabmeysa tareenka aad saarantihiin?

Nasiib wanaag, arimahaas markii la ogaaday ayaa  inta badan oday dhaqmeedyada koonfur galbeed oo markii ugu horeeysay taarikhda koonfur galbeed,  iyagoo oo kaashanaya shacabkooda waxaa ay ka tashadeen kooxahaas ka leexday danihii shacabkooda, oo howshii maamul u sameynta ku qasabtay in oday dhaqameedyada inay hormuud ka noqdaan.  Waa taariikh cusub oo u furantay bulshada koonfurgalbeed.

Ujeeda maamul goboleedka  koonfur galbeed ayaa ah, in dhamaan shacabka deggen degganada iyo kuwa kaleba ay ku wada nooladdan nabad, hormuudna ka noqdaan midnimada dhamaan umadda Somalida oo aytahay mid muqadaas ah.

Sida kor ku xusan, howshaas adag ee maamulka koonfur galbeed, ugu horeyntii waxaa bilowgeeda hormuud ka noqday odayaal dhaqmeedyada iyaga oo kaashanaayo  qaar ka mid ah siyaasiyiinta damiirka iyo waddaniyadda leh  iyo waxgarad badan oo ka soo jeeda koonfur galbeed .  Waxaase xusid mudan, in bilwogiiba  howshaan culus, ay odayaasha  dhaqanka ogolaansho lagu samaynayo  maamulka koonfur galbeed ay ka heleen dowladda Federalka Somaliya, si loo waafijiyo nidaamka  federalka iyo dastuurka dalka.  Nasiibdaro  waxaa dhacday in dowladda jilaafo u dhigtay odayaasha, oo howshoodii ay dowladda gacmaha ka laabatay!  Waxaa inta badan wanaagsan in runta laga hadlo, inkastoo dad badan ay siyaasadda u fahmeen in aanan runta la sheegin! Taas oo ah, mid siyaasiyiin farabaradan ay caadeysteen, ka dibna taas ay sabantay, in siyaasadda Somaliya intabdan ay faashil ku dhamaato.

Khiyamadaas weyn waxa ay dhalisay, in hogaanka dowlada  federalka ee Somaliya uu ka doorbido  maamul isaga is doortay, islamarkaasna ay ka dambeeyaan waddamo shisheeye  iyo wadamo kale kuwaas oo dhamaantooda ka leh maamulka Ahmed Madoobe, ee Jubba dano kala gaar gaar  ah oo lidi ku ah jiritaanka iyo mustaqbalka  dame ee dalka Somaliya.

Bishii August 2013, waxaa   ka dhacay Addisababa heshiis qiyamo qaran, oo loo maleegay shacabka  Somalida, kaas oo si aan looga fiirsan Kismaayo si sharci daro ah lagu nikaaxiyay Ahmed Madoobe, lana magacaabay maamul kumeelgaar ah Jubba (Jubba Adminstration).

Waxaa kaloo ka sii daran,  in  dhibaatadaan ay ka qeyb qaateen xafiiska ama wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Somalia (SRSG/UNSOM)  Mr. Nickolas Kay, Midowga Afrika  iyo IGAD oo aad moodo  inaysan wax khibrad u lahyn xaaladda iyo taariikhda Somaliya, oo  arinta ay u muuqatay  inay qalad weyn ay ka galeen inta badan bulshada degaan ahaan ka soo jeeda dhulka koonfur galbeed ee Somaliya ee lixda gobol, oo aan wax wada tashi muuuqda aanan lagala yeelan inta badan hogaamiyeyaasha bulshada ee ku sugan gudaha dalka Somaliaya.

Dad badan ayaa waxa ay u arkaan, arinta  Jubooyinka  hadii ay sidaan ku sii socto, ay  Somaliya mustaqbalkeeda  ku dambeeyn doonto mugdi weyn,  oo jiritaanka dowladd Somaliyeed ay meesha ka bixi doonto 20 ka  sano ee soo socdo, hadii aaan arintaaan wax laga qaban.  Sababta oo ah , waxaa laga yaba in  ay dhacdo  arin la mid ah tan hadda ka dhacday wadanka Ukrian, oo qeyb ka mid ah waddanka uu ku dhawaaqay inuu  dib ugu biiray wadanka Ruushka , ka dib marki ay kala jabeen siyaasiyiintii wadanka Ukrain.  Akhristow soow lagama yaabo in Soomaaliya arintaan oo kale ay ka dhacdo, haddaanan la helin dad wadaniyiin ah oo badbaadiya qarananimada Somaliya?

Arintaan oo kale waa ka suurto gal  ah in Maamulka Ahmed Madoobe inuu mar aan dheereyn uu ku dhawaqo in uu la midoobo Wadamo kale oo Somaliya deris la ah!  Waa sida qoraaga maqaalka ay ula muuqato inay tani dhici karto.  Maadaama maamulka Ahmed Madoobe ee lagu magacaabay Jubba , ay ka dambeyaan quwado shishiiye, kuwaas oo gacanta ku hayo dhamaan arimaha siyaasadda, ciidamda iyo dhaqaalaha ee maamulka Ahmed Madoobe.  Bal arag, Dowlada Federalka Somalia kuma laha, wax saameeyn ah, dhaqaalaha dekedda Kismaayo, iskaba daayee tan Puntland iyo  Somaliland!

Waa ayaan daro, in rabitaanka  shacabka koonfur galbeed oo ku salaysan nidaaka wada tashiga bulshada dhexdeeda (Democracy) iyo isla markaasna shacabka Koonfurgalbeed uu heelan yahay midnimada Somaliya iyo  inay wada shaqeyn la yeeshan dowladda Federalka. Taas bedelkeeda, dowladda federalka ay mudnaanta siisay rabitaanka hogaamiye kooxeed, iyo dano siyaadaseed oo Somaliya aysan dan ugu jirin, mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.  Waayo, tani waxay tusaale u tahay  in dowladda federalka  Somaliya aysan dhiiri gelinaynin, shir ama wada tashi bulshada dhexdeeda ah, oo ay Somalida tashan karto keligeed.

Waxaa layaab leh, in wadatashiga bulshada, oo ku dhisan mabd’a dimuqraadiyadda iyo mamul wanaaga,  laga door biday, shir ka dhacay waddanka dibadiisa oo dhowr qofood oo danooyin gaaban leh la isu keenay.  Taas waa mid cawaaqib xumo ku noqon doonta geedi socodka loogu gudyabo inay waddanka ka dhacaan doorashooyin xor ah  sanadka 2016, taas oo aan anigu u arko, barnaamij  ku qoran warqad keliya, oo aysan jirin cid u heelan iney fuliso.

Waxaa kaloo layaab leh, in qaar ka mid ah odayaashii wax ka soo dhisay dowladda federalka oo  maanta, taladooda in la tixgeliyo  iska daayee, la diiday in wax wada shaqeyn ah lala yeesho.  Waaba yaabe, Ilmo aan socod baran, ma ka maarmi karaan waalidkii dhalay ama qof kale oo soo barbaariyay?  Tani wax ay ku  tusaysaa, aqoon daradda dhinaca siyaasadda iyo maamulka ee  dad badan oo lataliyayaal u ah dowladda Hassan Sheikh.  Taas oo aan aniga ku talinaayo, dowladda inay hesho, dad waddaniyiin ah oo dowladda federalka ku haga waddada toosan.

Ujeedadda qoraalkeeyga  ma ahan, inaan ka sheekeeyo halganka koonfur galbeed bilowgiisa iyo ilaa heerka uu maanta maraayo, ee waxaan rabaa inaan wax yar u jaleeco ujeedada maqaalkan, kaas oo ah  inaan u mahad noqo dhamaan dadkii waqti dheer geliyay in la dhiso mamulkaan iyo kuwa hadda weli u taagan in maamulka uu cagahiisa ku istaago. Kuwii naftooda ku waayeyna waxaan alla ugu ducaynayaa inuu  Alla Naxriistiisa Janada ku abaalmariyo.

Tan kale, waxaan rabaa inaan halkaan ku xuso dhamaan musharaxiintii ka qeybgashay doorashada xilka madaxweyne nimmada koonfur galbeed oo gaarayey ilaa iyo 7  musharax oo  dhamaantood ay soo bandhigeen ujeedada keliya ay rabaan ay tahay,  in la helo maamul mideeya shacabka degan koonfur galbeed ee Somaliya.  Taasna aad mood in inta badan bulshada koonfurgalbeed ay  fahmeeen hadafka Maamulka Koonfur Galbeed si isku mid ah, ayna muujiyeen taagero xoog badan oo ku aadan Mamulka Koonfurgalbeed ee lixda gobol.

Dhamaan xubnihii isu soo sharaxay, waxa ay balanqaadeen xilligii doorashada ka hor, in qofkii ku soo  baxaba doorashada ay taageerayaan.   Waxaase mudan in la xuso, musharaxiintii markaas ugu cad caddaa waxaa ka mid haa, mudane Abdifataaax Geesay, oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bay, oo dad badan ay garanaayaan, wax qabadkiisii intii u maamulka ka hayey Baydhabo. Haddana loo magacaabey Wasiirka Arimha Gudaha ee Dowladda Maamulgoboleedka Koonfurgalbeed.

Mudane Cabdi fataaax Geesay wax uu muujiyay wadaninimo dhab,   maalin kadib doorashadii  jagada Madaxweyha koonfur galbeed 04 Maarso 2014, markaas uu si toos ah oo gabasho ku jirin u difaacay mustaqbalaka iyo qadiyadda koonfur gableed. Geesay waxaa uu ka sheegay  warbaahinta Baydhabo iyo qaar ka mid ah warbaahinta Somaliya inuu naf iyo maalba u huridoon qadiyadda iyo  arimaha koonfur galbeed.   Sidoo kale,  16 Marso 2014, ka dib, dib ugu soo biiridii maamulka koonfurgalbeed, Mudane Shiino Mo’callin iyo siyaasiin kale oo muhiim ah, mar labaad waxa uu Geesay muujiyey waddanino uu ku difaacayo rabitaanka shacabka koonfur galbeed.

Waxaase layaab leh,  in Xildhibaan Shariif Hassan iyo koox yar  oo xildhibaano  asaga ku fikir ah, oo ka soo jeeda koonfurgalbed ay noqden aaladii  ama qalabkii lagu burburinayey rabitaanka shacabka koonfurgalbeed!  Waxaase kas ii daran, waxa ay ka hor yimadeed odayaashii iyaga soo doortay oo jagada xildhibaaninimda u doortay!  Waxa shaki iiga jiraa iney kooxdaan ay fahmeed macnaha Xildhibaan, ama member of parliament!   Taas oo aan filaayo iney u baahantahy in la tixgeliyo, sida qofka  fahamkiisa, aqoontiisa, garaadkisa iyo waddaninimadiisa, ka hor qofka inta uusan jagadaaan soo codsanin ama aan la siinin.

Horay ayaa Soomalida waxay ugu  maahmahday, “Ma qof aan wax aqoon baan wax kuugu daraaa, mise weel daloolaan biyo ku dhaammiyaa”!!  Shariiif  Hassan  iyo kuwa la fikri ah, waxa uu u muuqdaa, qof kala garan la, waxa shacabkiisa ay doonayaan,  iyo xaqqa uu ku leeyahay  dhulkii uu ku soo barbaaray, walow laga yaabaa inuu asaga hadda ka doorbiday meelo kale!  Waa sida laga dareemayo dhaqankiisa iyo ficiladiisii ugu dambeeyey.

Waxaase aniga ii la tahay  in arinta Koonfur galbeed ee lixda gobol,  am aan ku macneen karaa, waa kacdoon shacab, waa kacdoon oday dhaqameed,waa kacsoon dhaliyaro, waaa kacdoon culimo, siyaasi, aqoonyahano, haweeen, caruur, qurbo joog, waa kacdoon kuwa ku dhiboon dalka gudihiisa oo ku jira xeryaha barakacayaasha , sida Muqdishu, Kalkacyo, Bossaso iyo meelo kale.

Tan kele, sidaa si la mid ah, musharaxiinta uu ka mid aahaa, Mohamed Aden Ibrahim (Farkeeti), Xassan Mohamud Abukar, Ibrahim Mohmaed Ibdris ( Leesto), Eng, Saalax Sheikh Cismaan, iyo Cabdifataaax Ibraahim Geesey, kuwaas oo dhamaan  oo runtii muu jiyay, arin u noqon karto tusaaale, sida qofka marka uu leeyahy hami siyaasadeed uu u difaaco waxa uu aamin sanyahay, xataa hadii musharaxnimadda looga guulaysto.

Waxaan halkaan rabaa inaan ka sheego, in  Abdifataax  Ibraahim Geesay, oo hadda ah wasiirka amniga dowladd goboleed, uu taariikhda cusub ee koonfur galbeed uu baal lama ilaabaan ah ka galay,  sida uu  uga  adadagyahay qadiyadda ama jiritaanka sharafta maamulka  koonfurgalbeed ,  kadib sida wadaniyadda leh ee uu u difaacday guulaha koonfurgalbeed, isagoo ka hadlayay TVga Kalsan 04 Maarso 2014 iyo  wareysi kale uu warbaahinta siiyaya 16 March 2014.

Horey baa waxaa loo yiri, “Waa loo dhashaa Wadani,  ee la iskama dhigi karo wadani”!  Wadaniga dhabta ah, waxaa lagu gartaa, xilliga ummaddiisa ay dhibaato soo food saarto, markaas ayuu ummadda ka soo dhexbaxaa, oo kartidiisa la arkaa!  Wax kasto waxa uu ka hormariyaa maslaxadda umaddiisa, waa adagtahay wadaniga dhabta ah in sidii badeecadii oo kale suuqyada loogu iibsado ama uu garanwaayo masuuliyadda ka saaran inuu noqdo wakiil  u dooda ummadiisa, ee uusan noqon, wakiil la dooda ama ka hor yimaada rabitaanka shacabkiisa!

Sidoo kale waxaa xusid mudan, in shacabka koonfurgalbeed ee degan Baydhabo, ay runtii muujiyeen dareenkooda waddaniyada ah, ka dib, banaanbaxyadii looga soo horjeeday fowdada Xildhibaan Shariif Hassan oo ka bilowday Baydhabo  23 March 2014, taas oo ku beegnayd imaatinkii Shariif Hassan ee Baydhabo, uuna doonayay inuu meesha kaga dhawaao maamul seddex gobol, aanan shacabka wax taageero ah ka haysan.

Waxaa kale oo banaanbaxyadii Baydhabo ee loogu soo horjeeday qaska Shariif Hassan ku shahiiday 26 March 2014  Allah u naxriisto halyey Hassan Keerow, kaas oo ahaa wiil yar oo dadiidu lagu qiyaasay 15 sano,  isagoo calanka koonfurgalbeed kor u sida, waraka  waxa kale ay sheegeen iney ay toogteen willkaas, isla markaasna u geesteen dhawac halis ah, ilaalo uu lahaa guri uu ku dhuumalesananyey Shariif Hassan maalin ka hor geerida Hassan Keerow 25 March 2014.

Waxaa kaloo xusid mudan, in 24 March 2014, si waxashnimo ah, loogu xashuuqay odayaal ka soo jeeda koonfurgalbeed meel aan ka fogayn Buurhaka iyagoo oo safar u ahaa Gobolka Shabaleeda Hoose, kana tagay magaalada Baydhabo.  Odayaashaas oo wadda loo galay, waxay ahayd arin runtii kuxun islaaminmada aan sheeganeyno, baniaadanimada,  in sideed oday dhaqameed wadar -dileed loo geysto, ayagoo safar  ku jira.  Allahii na abuuray, ayaaba waxa uu sii siiyay xaquuqo gaar ah dadka safarka ku jira, sida in saladda ay isku dari karaan, soonka dib u dhigi karaan, sadaqada in lasiin karo iyo waxyaabo kale. sida quraanka iyo axaadiistaba ay ku suganyihiin.  Waa arin layaab eh , in la  ixtiraami waayo dadka safarka, oo weliba waddada loo galo oo la dilo, oo naftoodii qaaliga ah lagu xadgudbo! Odayaashaas oo ahaa, kuwuu wax ka dhisay maamulka koonfurgalbed ee uu hogamiyo Madoobe Nuunow Mohamed.

Tan kale, halganka Koonfurgalbeed, waa bilow jid  dheer oo la rabo in looga gun gaaaro, maamul xalaal ah oo ka soo iftiima dhamaan lixda gobol ee koonfur galbeed, loogana hor tago kuwa ka soo hor jeeda rabitaanka shacabkooda, iyo kuwa damiirka ka tagay oo dhulkooda rabo inay marti ka noqdaan!  Waa arin la yaab leh,  Ninkii aad dhulkaaga ku xukumi laheed, asaga ha ku adeegsado, una shaqeee, waxay ay la mid tahay, qof asaga oo nool, haddan dhintay!    Gabyaa somaliyeed ee ka soo jeeda Somaliland, ayaa wuxuu gumaysigii Ingriiska  u gabyay, oo  yiri, ” Waxa na dilay, adeegu u ahow kaad amri laheeda” Waxa na dilay, ihaanda, baryada, ab iyo laan sheege, waxaa na dilay istaafka iyo tijaarta oo iskaashada”

Dhulkaaga marti ka noqo, maamulkiisa ma dooran kartid, danahaaga kama tashankartid, waa arin aan la aqbali karin.  Runtii waa arin ummado badan oo aduunka guudkiisa ku nool ay ka soo dagaalmeened, taas oo   aheyd inay danahooda ka arimiyaan keliya.  Taas oo maantana ay dowladdo ama qaarado  badan oo aduunyada guudkeeda ku nool  ay nabad ugu noolyihiin, ka dib markii ay talada gacantooda ku soo noqotay.

Waxaase ayaan daro ah, kuwa badan oo sheeganaayo inay wakiilo umaddoda ka yihiin(Xildhibaan) ama wasiiro ka soo jeeda koonfur galbeed ama gudoomiye degmo/Gobol,  hadana rabo inay shacabkooda danahooda meelo kale looga taliyo!  Waxaa su’aal iiga ah, dowladda Federalka ee Somaliaya, waa maxay sababta ay u diiday iney taageerto dadaalka wadajirka ah ee shacabka koonfur galbeed ?  Mise dowladda federka waxa  ay siyaasadeedu tahay inay  dhibaatadii ay hore ugu jireen koon furgalbeed ay halkaa  ka siiwado?  Arintaan ma lagu tilaami karaa nooc ka mid ha cunsiriyadda ama kala sooc (Diskrimination) ama naceyb (Hate)  uu Dowladda Federalka Somaliya u qabto Shacabka Konfurgalbed.  Kuwaaas oo ka soo hor jeeda mabaadiida caalamiga ee xuquuqul insaanka  ee qaramada midoobay (1948), iyo xeerarka caalmida ee xaquuda ee Madaniga iyo xaquuuqda siyaasadda ee qaramada midoobay (UN convesion  1948) and The International Convenant on Civil and Political Rights – 1966.

Waxaa kaloo xussad mudan, dowladdii Sheikh Shariif, oo aniga ay ila ahayd, in si qaldan loo afgambiyey ama loo riday, uu aha maamul runtii wax badan dhaamay kan hadda la leeyahaya waa dowladd rasmi ah!.   Waayo, Dowladii Sheikh Shariif, ma ogoleen in waddanka Somaliya dibbeda looga arimiyo, oo waxa uu si cad mararka qaar ugu hor imaanaya faragelina dowladdaha shisheeye ee arimaha gaarka ah, ee Somaliya.  Laakiin, hadda arinta wax badan ayey ka duwantahay, oo waxa aan aragno waa arin aan ku tilmaami karo, Soomaliya waxa ay mareysaa meeshii uu hooseeysay ee taariikhda tan iyo 1960 xurnimaddii ka dib!

Waxaase qarniga aynu ku jirno wax lala yabo ah, Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay (SRSG)  Nicholas Kay, oo aad moodo inuu garabmarary,  xeerarka caalamiga ee qaramada midoobay ee xuriyadda qofka inuu aayahiisa ka tashado, si ku dhisan wada tashi iyo nabad, laguna saleeynayo wadahadal bulshada dhexdeeda ah oo ay hogaaminayaan hogaamiyeyaasha bulshada.

Waxase dad badan oo ka soo jeeda koonfur galbeed ay aaminsan yihiniin in UNSOM iyo AMISOM ay  si toos ah indha uga daboosheen xaqiiqda ka jirta Magaaladda Baydhabo, ee lagu dhisay Maamul ay shacabka ka soo shaqeynayeen mudo ka badan 18 bilood.  Ma qalad ki ay galeen ee shirkii Addisaba ee August 2013, ayay qiran la yihiin?  Waa arin aysan shacabka konfurgalbeed  aysan ka hari doonin arintaan iyo cid kasto oo qaladkaan ka dambeeysey!

Haddan dhinaca kale u jeesto, waxaan halkaan amaan ugu soo jeedinaynaa  dhamaaan Xildhibaanadii  Koonfurgalbeed oo goob joog ka ahaa, doorashadii xalaasha ahayd ee lagu doortay Madaxweynaha Koonfur galbeed 03 Marso 2014 iyo caleema saarka Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo qofkasto oo masuul ah oo si aan gabasho laheen u ayiday fikirka Shacabka koonfurgalbeed .   Taariikdha ayaa idin xusi doonto, baal dahab ah, ayaad ku qorantihiin.  Sida wadaniyadda leh ee aad u garab istaagteen maamulka koonfurgalbeed ee lixda gobol, waa arin aanan weligeed la hilmaami doonin!

Dhinaca kale, waxaa wax aad looga fajaco ah, in xildhibaanadii iyo wasiiradii ka soo jeeday koonfurgalbed oo yimid Baydhabo labo jeer oo kala duwan, ka hor doorashada Madaxweynaha Koonur Galbeed,  kuwaas oo ay soo dirtay dowladda federalka Somaliya, wasiiradaas oo ka soo jeeday koonfur galbeed  oo  umaddoooda la danqan  waayay maamulka ay dhisayaan, damiir la’aan darteeda. Waa arin  nasiib daro weyn oo dad badan ay ku noqotay lama filaan, in wasiiradaas oo ka soo jeeda deeganada koonfur galbeed ay kala garan waayen,  waajibaadka ka saaran dadka ay matalaan iyo xaqqa ay u leeyihiin in ay  maamul ayaga raali ay ka yihiin ay dhistaan.  Wasiiradaas, iyo xildhibanadaas,  waxay ay Baydhabo u soo qaaden dhambaaal ama fariin  ay ka sideen hogaanga sare ee dowladda federalka, kaas oo ahaa shirqool lagu burburinaayo  sharaftii iyo mustaqbalkiii ummadda koonfurgalbeed.  Waxaa kaloo la damacsanaa in la iskga horkeeno shacabka walalaaha ah lana qeybiyo.  Wasiiradaas wax ay wadeen dhambaal macnihiisa laga soo koobiyay am minguuriyay gumeystayaashii  Yurub ee Afrika qeybstaday 1884, kaas oo ah, “Qeybi oo xukun”.

Xildhibaanadaas  yimid Baydhabo waxa ay ka xishoonaya in shacabkooda ay farxadda laqaataan, kana dhuuntay inay goob joog ka ahaadaan xafladii doorashada Madaxweynaha  koonfur galbeed, iyagoo ka cabsi qabo in   jagada ka qaado. Runtii  waxaad lumiseen sharaftiinii iyo kalsoonidii dhamaan shacabka koonfurgalbeed. Qofka banidaamka nafta uguma jirto keliya inuu iska noolaado, sida xoolaha oo kale, ee waa inuu fakaraa oo maskaxda uu Alla siiyeye ku gala gartaa wixii wanaag ama xumaan ah.

Tan kale, sid dhabta ha, waxaay noqotay ayaan daro, in  hogaaanka  dowladda fedralka Somaliya, meeshii idinka aad wax u sheegi laheedeen, oo aad kala hadli laheedeen maslaxadda umadiina, ayaa waxaa dhacday in  sidii askari oo kale in dowladda Fedelka ay  idin soo dhiibo dab umadiina la rabo in lagu gubo ama lagu  burburinaayo.   Waa arin aad iyo aad loola yabanyahay, dad aqoonyhano oo mudo dheer siyaasadda ku soo dhexjiray iyo qaar ka mid ah xildhibaanada wafdiga la socday, ay garan waayeen xalka iyo maslaxada shacabkooda, kana doortaan, jaggo beriba laga qaadi doono!  Waa la doogiyee, yaan la dacaroon!

Dhambalkaas loo soo dhibay xildhibaanadaas waxa uu u jeediisu ahaa,  in caalamka ama UN ka loo tuso in reer koonfru galbeed in ay dhexdooda ay is haystaan, si loo qariyo dabandaabyada  Dowladda Fedralka   iyo qaar ka mid ah wasiiradiirada Federalka ay maleegayaan, iyaga oo diidan in shacabka koonfur galbeed in ay arimahooda ka tashadaan!

Waxaan kaloo rabaa inaan halkaan ku xuso, labo wiil oo ganacsato oo ka tirsan bulshada koonfur galbeed, laakiin degan Puntland  , oo habeenimaddii 04 March 2014 ka dhex muuqday TVga Kalasan.  Runtii mid ka mid ah wiilashasa, waxaa ka muuqatay shucuur ama xammaasad waddaninimo oo aan la qiyasi karin, iyo sida aadka ee looga baahan yayahay in maamul matala ummada koonfurgalbeed la helo, si loo difaaco sharafta, nafta iyo xaquuqka dadka koonfur galbeed oo ku dacayn meelo badan oo ka tirsan dalka gudihiisa.

Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid, ah, xarig, xadgudub, kufsi iyo in lagu sheego ama lagu eedeeyo, in dhalinyaro badan oo ganacsato ah ay ka tirsanyihiin maleeeshooyinka dowladda ka soo horjeeda (Alshabaab), si loo waxyeelo naftooda, sharaftoona iyo hantidooda.   Dhibaatadas uu gartay, ganacsadahaas dhalinta yar, maxaa ka qariyey Xildhibaanadaas uu ka mid yahay  Shariif Hassan!  Mise Shariif Hassan dadyow kale ayuu wakiil ahaan ugu matala Baarlamaanka? Waa su’aal ay dad badan is weydinayaan, oo weli jawaabteeda aan la helin!

Runtii  Golaha guurtida iyo dadka howsha waday, waxa ay muujiyeen bisayl siyaasadeen, oo ahaa, in markasto wadahadal wax lagu dhameeyo,oo dowladda federalka lala kulmo, ayagoo hadana ogaa inaysan wax u soo kordhinaynin.  Laakin, aniga oo ah, qoraalka maqaalkan, waxaa runtii markasto ii muuqatay shirqolkan weyn oo ay dowladda soo abaabushay kuna wajahnaa  arimaha ka socdo Baydhabo, loona muujiyo fowdo iyo  in dadka reer koonfur galbeed ay dhexdooda is heystaaan!  Taas oo  runtii ahayd arin xaqiiqda  ka fog.  Arintaan  waxay ahayd qiyaamada keliya ay Dowladdda Hassan Sheikh adeegsankaro, maadaama u arkay in odayaal dhamaqameedyada iyo dhamaan wax garadka ku howlanaa dhismaha maaulka koonfurgalbeed, ay ka diideen iney shirka joojiyaan, taas oo Madaxweyne Hassan Sheikh codsaday marar badan.   Laakiin, waxaad ogaataan, runta mar kasto waa lagaari doonaa, si kasto oo looga been sheego.

Hadaba, wasiiradii iyo xildibaanadii yimid Baydhabo oo ka soo jeeday koonfrugalbeed, oo masuuliyaddii loo idmay ahay inay dadkooda wakiil ka noqdaan kana shaqeeyaan danaha shacabkooda, waxay noqdeen kuwo guul daraystay, oo xataa laga dareemayey wajiyaashooda  kuwa aanan ku faraxsaneyn horumarka ay umadooda ku talaabsatay!   Waxaad ogaataan,   lama huraan waa cowska jiilaal, inta aad xilkaan heyneysaan waa wax yar, ummadda koonfur galbeed waa tashatay, mana u dhutindoonto qof ama labo qof, nooc kasto oo ay bulshada kaga jiraan ama ay darajo u hayaaan.  Taariikdana waa mid iyada is qoraysa, oo looma bahna in laqoro, inta badan.

Shacabka koonfur galbeed, waxaa uu ku adkeesanayaan, hadii aduunka oo dhan ay yiraahdaan Koonfur Galbeed ma aqoonsanin,  Soomalida waxay ku maahnaamdaa ” Qabri iyo ninkiisa lama kala qariyo”, anaga shacabka koonfurgalbeed ayaa noogu filan inaan garabka is qabsano, is aqoonsano, oo aan ka tashano danaha umadeena, kuna tashano waxa jeebkeena ku jira.

Golaha  Guurtida ee koonfurgalbeed, shaqo weyn ayey oo taariikhi gashay ay ayey qabteen iyo dhalinyaradii la shaqeysay oo odayaasha ka saaciday dhinaca maamulka iyo isku dubridka.  Arintaan  dhameystirkeeda waxaa laga rabaa, waa wax garadka koonfurgalbeed iney dhameystiraan.  Waa halgan bilow ah, oo u baahan samir, adkeysi iyo wadajir.

Ogaada,  jago nooc kasto oo ay ahaanto sida wasiir, xildhibaan, gudoomiye gobol/degmo, ama taliye ciidan, oo dowladda fedralka  idin balan qaado waa mid waqti ku eg, dhulkana anagaaa iska leh, anagaan u talin doono, waqtigii la doono hanagu qaadato.

Gurigaaga marti  ka noqo, danahaaga haka tashanin, waa arin ay halgamayaal farabadan oo aduunka ay ka horyimadeen, oo uu ka mid ahaa Nelsan Mandela, hogaamiyihii Koonfur Afrika, kaas oo sharaf u soo jiiday ummadiisa South Afrika, kuna guuleystay inuu wadankaas oo mudo ku dhow 35 sano ay dilootay midabkala sooc, uu ku guulaysgtay inuu ka sameeyo maamul cadaalad ku dhisan oo dadka oo dhan ay kuwada noolaan karaaan.   Nelsan Mandela 27 sano ayuu xabsi ku jiray, kaas oo markii dambe ka noqday Madaxweyne Wadanka Koonfur Afrika. Ugu dambeyntii waa uu noqday qof tusaale weyn u noqday hogaamiyeyasha aduunka intii u dhaxaysay 1994 -1999 ee hayey madaxtinimda koonfur Afrika.

Hadii aan u soo noqdo, dulucda maqalkeyga, waxaan orankaraa, siyaasada dowlada fedralka ee ku aadan koonfurgalbeed, waxba kama duwana arintii uu Nelsan Mandela ka soo dagaalamay.  Waayo, sidaan kor ku soo sheegay, waxaa ficilka ama dhaqanka  dowladda Federalka masuuliyiintiisa ugu sareysa  ka dhex muuqda, cunsiriyad, naceyb iyo kala soocid.

Maxay ku kala duwan yihiin maamulka  Puntlan VS Koonfurgalbeed? Jaawabtaada waa, cunsiriyad lagu hayo shacabka koonfurglabeed!  Bal fiiri dhinaca kale, Idaacada dowladda (SNTV) inta badan kamaa hadasho horumarka ay gaaran koonfur galbeed?  Muqdishu waxa ay u jirtaaa Baydhabo 249 KM,  waa yaabee  meelo ka dheer oo ujirta caasimada in ka badan 1300 KM, aya warbixino laga soo diraa oo laga hadlaa maaalin kasto!  Maxaa loo cunsurinaaa arimaha koonfurgal beed ee ka socdo Baydhabo!

Mar labaad, waxaan maqaalkeeyga aan ku soo gabaabeynayaa , gurigaaga marti  ka noqo, danahaaga haka tashanin, maamulka halaguu dooro waa arin ay halgamayaal farabadan oo aduunka ka horyimaadeen,  sida hogaamiyihii Koonfur Africa, Mr. Nelsan Mandela.

Qore:  Abdulkadir Sheikh

Dallada Somalida Koonfur galbeed ee Sweden

sydvast.somaliska@outlook.com

 

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.