Waxaad tiri “qabiilkeyga iyo madhabteyda ma aha ee aan dhaco, kufsado, dilo ama Soomaaliya ka qixiyo”

3
30

kenyMaanta ma kaa dahsoon tahay oraahdii af maay-maay aheyd ee “ Isma hurtoy iniis halaytoy!” Waa hubaal inuusan eyga Kenyaatiga ah ama askariga Kenyaatiga ah ee baad iyo kufsi doonka ah uusan Soomaalida qabiil iyo madhab ugu kala arxameynin.

Sababtaada waxa ay ahaataba, maqaamkaaga waxa uu yahayba, kaagan Soomaalida 25 sano Soomaaliya ka qixinayow, ma aragtay sawiradan Ganaane News Online laga soo xigtay?
kenya
Sow dadkan sida xoolaha loola dhaqmaayo kuma jiraan hooyadaa, aabahaa, sodogaa, sodohdaa, walaalkaa, walaashaa, xaaskaaga, seygaaga,dumaashidaa, seedigaa, ilmahaaga, jiiraankaaga, asaxaabtaada, macalinkaaga, ganacsadahaaga, askarigaaga, dumaashigaa, abtigaa, adeerkaa, eedadaa, habar-yartaa, aysankaa, odeygaaga dhaqan, wadaadkaaga, ardaygaaga, awowgaa, ayeeyada iyo in ka sii badan oo gacalkaaga ah? Falxumadii Sacuudi Carabiyana horaad u soo arragtay.

Iyada oo ay sidan tahay baad hadana gudaha Soomaaliya Kenya ku soo hogaamineysaa oo aad Soomaaligii aan weli qixin soo qixid ku sababeysaa?
Adna goormaa gudaha Soomaaliya lagugu bahdili doonaa mise horaybaa lagugu soo taliyey oo gumeysigaad ab ka ab u sanduleysneyd oo Soomaalida Soomaliya baad halaag kale u sii horseedeysaa? Sow lama gaarin goortii aad isqaban laheyd?

 

 

A Bulle, Msc, Maisodias@hotmail.com

 

3 COMMENTS

  1. sheekadaan Dad masuuliin ah ayaa ka danbeya waana xaqiiqo dhaqaalaha soo galayey ayuu hoos u dhacay ee xada lacagta gurmadka loo keena ka faaideysan rabaan . waxaa sucaal iga ah in ley jawaabana u baahanahay lacagtii 23 sano ka aruurineyseen kalmada masaakiinta looga talagay ma idin canfici weysey ee ma tanaa idin deeqda.

Comments are closed.