Ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabab oo xaley ku dagaalamey Degmada Ceel buur

0
48

dagaal81Taliyaha ciidanka degmada Ceelbuur, gaashaanle Maxamed Kaahiye Carraale ayaa sheegay in 15 qof oo ka tirsanayd maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen, 28 kalena ay ku dhaawaceen dagaal xalay iyo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanno ku yaalla gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo ay weheliyeen kuwa AMISOM iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaannada Dab-qurun, Ceel-gorof iyo Dac oo u dhaxeeya degmada Ceelbuur iyo deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Dadka deegaannadaas ayaa sheegay in ay jirto khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaartay. Laakiin taliyaha wuxuu beeniyay inay jirto khasaaro dhankooda gaartay.
Daafeet.Com