Madaxweynaha dowlada federalka oo ka hadley shacabka somaliyeed ee lagu dhibaateynayo dalka kenya

2
28

Madaxweyne-Xasan-150x150Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay tacadiyada ciidamada Kenya ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, isagoo dowladda Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin in si xun loola dhaqmo  Soomaalida, isagoo sheegay in madaxda Kenya uu kala hadlay inaan lagu xadgubin Soomaalida, ciddii sharci haysatana lasii daayo, kuwii aan la hayn dalkooda lagu soo celiyo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ay ilaaliyaan nabad-galyada iyo xasilloonida dalka ay ku nool yihiin, isagoo ka codsaday inay dadka kusoo dhex dhuumanaya ee amaan-darrada geysanaya u gudbiyaan ciidamada ammaanka.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka soconayay xad-gudubyo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed ee dalka ku dhaqan oo ay ciidamada ammaanka Kenya kula kaceen xarig iyo dhibaateyn kale.

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. waa waxloo baahan yahay in aan lagu xadgudbin wadan kasto aad ku nooshahay nabadgelyadiiisa ama la dhowro nidaamka ka jira wadankaas,laakiin waxaa daran xadgudubyada iyo falalka xun ee wadar ahaan loogu sameynayo bulshda ku nool kenya waana wax laga xumaado lagana hadlo dhibaatada jirta

Comments are closed.