Liibiya oo sheegtey in ey qabatey dad doonayey iney doomo ka raacaan xeebaha liibiya

0
28

tahriibCiidamada Ilaalada xeebaha dalka Libya ayaa qoraal ay soo saareen shalay ku sheegeen inay xereen muhaajiriin kale oo African ah kuwaasi oo badankood ka tagay Soomaaliya.

Ciidamada Badda ayaa sheegay dadkaasi afican ah ay ku xereen xili ay doonayeen inay ka gudbaan dalka Libya ay gaaraan dalalka qaarada Yurub, sida qoraalka lagu sheegay,

Muhaajiriinta la xeray ayay ku sheegeen inay ka badan 400, oo ruux kuwaasi oo saarnaa doonyo kala duwan oo ay ku doonayeen inay kaga gudbaan badda Libya iyo talyaaniga.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda dalka Libya Ayuub Qaasim ayaa sheegay in dhankooda ay soo badbaadiyeen 78 ruux kuwaasi oo ay dooni ay saarnaayeen la quustay.

 

Daafeet.Com