Gudoomiyaha baarlamanka somaliya oo maanta la kulmey masuulta dalka talyaaniga

0
30

jawariGuddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha aqalka hoose ee baarlamaanka Taliyaaniga, Laura Boldirini, isagoo sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga.

Jawaari iyo Laura oo kulankooda kaddib si wadajir ah ula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in waxyaabaha ay ka wada-hadleen ay ugu muhiimsanayd iskaashi iyo wada-shaqeyn joogta ah oo dhex-marta baarlamaannada Somalia iyo Talyaaniga, iyadoo Laura ay aad u ammaantay qaabka uu xilligan u shaqeeyo baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxay xustay inay Muqdisho ku imaan doonto booqasho rasmi ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo isna hadlay ayaa xusay inuu dhawaan si rasmi ah u billaaban doono iskaashi iyo wadashaqeyn dhexmarta baarlamaanada Talyaaniga iyo Somalia, ayna wufuud ka kala socota labada baarlamaan socdaallo ku kala bixin doonaan Muqdisho iyo Rome.

Sidoo kale, wafadiga guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee maanta booqday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga halkaas oo si maamuus leh loogu soo dhaweeyey; waxayna kula kulmeen wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga, Mario Giro oo faah-faahin ka siiyay qorshayaasha ay dowladda Talyaaniga ku doonayso inay ku taageerto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Daafeet.Com