Ma dhab-baa inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wajahan yahay Baydhabo beri

2
87

madaxtooyadaWararka caawa ka kala imaanaya magaalooyinka Muqdisho,Baydhaba iyo Kismaayo ayaa waxay ku waramayaan in maalin-nimada beri uu madaxweynaha JF ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku wajahan yahay magaalada Baydhabo caasimada gobolka Baay isla markaana ah caasimada KMG ah ee Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed.

Muqdisho..Wararkan ku saabsan safarka madaxweyne Xasan Shiikh ee Baydhabo ayaa waxaa caawa laga dareemayaa Xarunta madaxtooyada oo uu kulan gaar ah caawa Madaxweynaha kula qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta labada gole iyo saraakiil ciidamada ka socda oo madaxweynaha ku wehlin doona safarkiisa Baydhabo.

Baydhaba..Magaalada Baydhaba ayaa sidoo kale waxaa ka socda diyaar garow loogu jiro soo dhoweynta madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdigiisa iyadoo maamulada KoonfurGalbeed iyo kan gobolka Baay ay si weyn uga wadashaqaynayaan sidii wafdiga madaxweynaha ay si diiran ugu soo dhoweyn lahaayeen magaalada isla markaana ay wadahadalo toos ah ay ula gali lahaayeen.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa aad loo hadal hayaa in ay gundhig u noqon doonaan wadahadalo bilow ah oo mudo socon doono oo u bilaabmi doona madaxda Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed iyo kuwa JF ah ee Soomaaliya.

Kismaayo..Magaala madaxda gobolka Jubada hoose ee Kismaayo oo caawa ku sugan Ra’isulwasaaraha dalka ayaa isna dhankiisa tabaabushe ugu jira sidii uu maalinka beri uu u soo gaari lahaa caasimada magaalada Muqdisho ka hor inta aanu wafdiga madaxweynuhu Baydhabo u dhoofin.
Waqti kasta oo ay noqotaba waxaa hubaal ah in madaxweyne Xasan Shiikh sida uu balanqaadkiisiiba ahaa uu Baydhabo u tagi doono wadahadal uu la galo madaxda Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed.

2 COMMENTS

  1. aniga waxaan qabaa inaan waxba soo kordhinaynin qoslaaye, reer koonfar-galbeed iskutashta. dhow dhiib iyo dhexba.

  2. qoslaaye waa daneyste, awood uu leeyahay majirto. marka maamulka K/G yeey wax ka sugin qoslaaye. ileen asiga ayaaba meel u ku gambado la. is walaalshada oo wada toosan qaada hadaad tihiin madaxda maamul G. K/G. Waad mahadsantihiin.

Comments are closed.