Gudoomiyaha barlamanka Prof Maxamed Osman Jawaari oo kulan la qaatey jaliyada somaliyeed ee ku nool talyaniga

0
122

jawariGudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay magaalada Rome kulan kula qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Talyaaniga.

Kulankan oo ka dhacay hotel ku dhow dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Rome ayaa waxaa kasoo qeybgalay Jaalliyadda Soomaaliyeed oo iyagu ka kala yimid gobollada kala duwan ee Dalkan Talyaaniga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn Jaalliyadda u sharaxay halka ay mareyso xaaladda dalka iyo hormarradii ugu dambeeyey ee uu ku talaabsaday Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulanka intii uu socday waxaa su’aallo ay ku weeydiiyeen xubnihii Jaalliyadda ee kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa Xildhibaannada ah ayadoo su’aallahaasina ay ku qotomeen howlaha Baarlamaanka waxyaabaha u qabsoomay.
Daafeet.Com