Beesha Xawaadle oo ku tilmaamtay Maamulka KMG ah ee Juba mid fashilmay oo aan loo dhammeyn.

0
98

kismaayoGolaha Marjaca beesha Cabdi Yuuusuf oo ka tirsan beelweynta Xawaadle , kuna mideysan yihiin dhammaan Salaadiinta iyo nabadoonada ayaa kulan ay maanta iskugu yimaadeen Magaalada Muqdisho , waxa ay ku sheegeen in ka beel ahaan ay qaadaceen maamul ku sheega KMG ah ee Juba ee uu hogaamiyo madaxa maleeshiyaadka Raaskambooni Axmed Madoobe oo ah dagaal ooge ka biya diiday inuu dhaqan geliyo guud ahaan heshiiskii hore loogu gaaray Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, kadib markii uu ku degdegay sameynta maamul isaga u gaar ah oo aan lagala tashan dadka deegaanka iyo dowladda Federaalka , kana dhega fureystay baaqyada lagu doonayo in lagu sameeyo ciidan rasmi ah , gacanta dowladdana lagu soo wareejiyo dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle waxa ay ugu yeereysaa ciidamada Xoogga dalka inay ka xoreeyaan kooxda Alshabaab degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Jubada dhexe , si awoodda dowladda loo baahiyo , dadka xaqqooda lagu lunsaday maamulka ku sheega Kismaayo ay ugu istaagaan inay difaacdaan danahooda iyo xaqqooda.

Beesha Xawaadle , waxa ay ugu baaqeysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inay dejiyaan qorshe balaaran oo dib u heshiisiin iyo nabadeyn ah si loo helo maamulo rasmi ah oo dadka deegaanka ay leeyihiin , waxa ayna beeshu qireysaa in Maamulka KMG ah ee Juba uu dhicisoobay ,fashilna uu hareeyay, loona baahan yahay in la dhiso maamul cusub oo loo dhan yahay.

Hadalkan beesha xawaadle ayaa waxaa uu imanayaa xili reysulwasaaraha dowlada federalka somaliya cabdi wali sheekh axmed uu kulan dib u hishiineed oo lagu dhex dhexaadinaayo beelaha Absame iyo Sade uu ka furey magalada ksimaanyo.

Waxaa faafiyay, Nabadoon: Maxamuud Waasuge.
Wasuge114@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya