Wasiirka arimaha gudaha oo sheegey iney mar walba kormeeri doonan sida ey u socdaan howlaha degmooyinka gobolka banaadir

0
30

goodaxWasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay inay culees saari doonaan shaqooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Gobalada dalka Soomaaliya.

Wasiirka  ayaa usheegay Warbaahinta in si joogto ah loo kormeeri doono shaqooyinka ay qabtaan Maamulada Degmooyinka Gobalka Banaadir si wax badan looga qabto ammaanka Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Wasiir Goodax in dhamaan shaqooyinka hoosyimaada Wasaarada arimaha gudaha culeyska la saari doono, si natiijada ay unoqoto mid waxtar leh.
Daafeet.Com