Xildhibaan maanta qarax lagula beegsadey degmada xamarweyne

0
25

Qarax GaariWararka inaga soo gaaraya Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu qarax ka dhacay qaraxaasi oo noociisa uu yahay mid lagu xiray gaari uu watay Xildhibaan baarlamaanka ka tirsan.

Qaraxan gaariga Xildhibaanka lagu xiray ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Hoteelka lagu magacaabo Maleeyka ee Dhabarka Dambe Saldhiga Afar Irdoodka Degmada Xamarweyne, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in Xildhibaanka dhaawac culus oo soo gaaray loo qaaday isbitaalka Madiina.

Xildhibaankaan ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Isaaq Maxamed Cali, waxaana qaraxa loogu xiray kursiga uu fariisto Darawalka, Kadibna lagu qarxiyay oo uu sidaasi dhaawac culus kusoo gaaray, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu isbitaalka ku geeriyooday.

 

Daafeet.Com