Dhegayso..Wax garad iyo odayaal kasoo jeeda gobolka Gedo oo shir uga furmay magaalada Garbahaaray

1
51

gedoShir gogol xaar u ah shirwayne looga hadlayo aayaha gobolka Gedo ayaa ka furmay magaalada Garbaharay ee xarunta gobolka Gedo,iyadoo kulmadii ugu horeeyeyna ee loogu gogol xaarayo shirkaasi ay ka soo qeyb galeen Odoyaal dhaqameed iyo waxgarad ku sugan Garbahaarey.

Nabadoon Cabdi Maxamed Cismaan(Jugeyste )oo ka mid ah qabanqaabiyaasha shirka ayaa u sheegay Warbaahinta wadajir  in ay filayaan in shirkan uu gogol xaar u noqon doono shirweyne 3 bil ka dib lagu qaban doono Magaalada Garbahaarey,kaasi oo ay isugu imaan doonaan dhamaan hogaamiyayaasha dhaqan iyo Waxgaradka Gobolka si looga tashto aayaha Gobolkan.

“shirkani ma ahan shir siyaasadeed,ee waa shir dhaqan oo la doonayo in lagu soo celiyo midnimadii beesha degta Gobolkan,waxaana kharashka bixinaya dadka Gobolka oo iyagu isku tashtey dhaqaalaha shirka iyo Ergooyinkana waxay ka kala imaanayaan 8da degmo ee uu ka kooban yahay Gobolka Gedo,sidaasi waxaa yiri Jugeyste.

Halkan ka dhegaysoWax garad iyo odayaal kasoo jeeda gobolka Gedo oo shir ku yeeshay magaalada Garbahaaray

1 COMMENT

Comments are closed.