Dhegayso..Al-Qaadi”Axmed Madoobe iyo Raaskambooni uma aqoonsanin Maamul KMG,shirkana waa fashilmay

1
39
qaadi
Mas,uuliyiinta Ehlu suna ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen inaysan taageersaneyn shirkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee uu garwadeenka ka ahaa Ra,isalwasaaraha Soomaaliya,C/Weli sheekh Axmed,iyagoona sheegay shirkaasi inuu ahaa mid aan xal ugu jirin dadka Soomaalida ee dega Gobolada Jubbooyinka.
Sheekh Xuseen Alqaadi oo ah Afhayeenka Ururka Ehlu suna ee Gobolada Koonfureed oo maanta shir jaraa,id ku qabtey degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa isagoo la hadlayey warbaahinta waxaa uu sheegay Axmed Madoobe iyo Raaskambooni in ayan u aqoonsaneyn Maamul KMG,shirkaasina ay ka aamin san yihiin mid ku dhamaadey Fashil.
Sheekh Alqaadi oo la weydiiyey Fikirkaasi in ay la qabaan Mas,uuliyiin uu ka mid yahay Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo iyo midka degmooyinka Gobolka  ayuu sheegay in arintaasi ay ka midaysan yihiin,ayna ka oo horjeedaan go,aanadii ka soo baxay shirka ka dhacay Kismaayo.
‘”Ra,isalwasaaraha wax talo ah nagama soo weydiinin shirka ka dhacay Kismaayo,dib u heshiisiina waxay ku imaan kartaa dhinacyada ay khuseyso marka ay wada hadlaan,arinta dhacdeyna waxaan u aragnaa mid lagu deg degay oo aan wax maslaxad ah u hayn dadka wada dega Goboladaasi sidaasi waxaa yiri Alqaadi.
Hadalka Afhayeenka Ehlu suna ee Gobolada Koonfureed ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa Xilli Gudi loo saarey Col.Bare hiiraale in ay la soo xaajoodaan ay maanta dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo,ka dib markii shirkaasi oo ka dhacay deegaanka Goobweyn lagu kala dareeray,iyadoon wax natiijo ah aanan laga gaarin.
Majirto weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Hogaamiyaha Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo ku aadan hadalka Barre Hiiraale.
Hoos ka dhageyso Dhageyso Shirka Jaraa,id ee uu Qabtey AlqaadiMas,uuuliyiinta Ehlu suna ee Gobolka Gedo oo ka soo horjeestay Shirkii ka dhacay Kismaayo

1 COMMENT

  1. Axmed Madobe waa gardaro garab og ina aderkisa AFEY ayaan xor socda ee Somaliyeey Midoba yaan Dhulkina Kenya la Hoos geliniin Kenya Kismayo Dekadeda ayeey uu dig dig ledahay kuwa ay so dirsateyna Shaqada ayeey uu fulinowhayaan. baroorta Orgiga ka weyn.

Comments are closed.