Golaha wasiirada oo maanta ka doodey maamul u sameynta gobolada dalka

1
24

golahaRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirrada xukuumadda ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobollada, gaar ahaan deegaannada laga saaray Al-shabaab.

Golaha ayaa isku raacay in dhismaha maamulada gobolladu ay noqdaan kuwo laga qayb-geliyo dadweynaha, waxayna tallaabadaasi noqonaysaa mid isku soo dhaweysa shacabka iyo dowladda.

Ra’iisul wasaaraha oo shirka ka hadlayey wuxuu yiri: “Dowladda Somalia waxaa ka go’an samaynta maamulada gobollada dalka, iyadoo loo marayo si waafqasan dastuurka.”

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Dasturka waa qabyo Qoraal lomana dhama koox ayuu nas nuujinaya , Mamul goboledyada hadda jirana hala burburiyo diba hada halo bilabo ileen kuwi hadda aqonsiga beentta aad siseenba dadweynaha lagama qeyb geliniin waana QABIL LANDOYIN. Dowladda Somalia waxaa ka go’an samaynta maamulada gobollada dalka, iyadoo loo marayo si waafqasan dastuurka.”Shekadani waa kugu keliya qabileysi waa dhamatey ,Dasturka sya shegayaan dib ha logu noqdo anaga shaqo kuma lihini.

Comments are closed.