Warbaahinta Koonfur galbeed oo fashilisey qorshihiii ey xaley damacsaneyd Universal Tv

0
31

breaking nKadib markii ay warbaahinta Koonfur galbeed ka war heshay qorshe lagu kala dhantaalayo jiritaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ee lixda gobol ka kooban islamarkaasna  uu hor boodayay TVga UNIVERSAL ayna qayb ka yihiin shaqsiyaad kasoo jeeda Koonfur galbeed oo ay kamid yihiin Axmed Sheekh Mukhtaar, Cali Cabdi Baab iyo Injineer Maxamuud Caliyow ayaa waxaa ey  warbaahinta Ishabaydhaba oo qayb ka ah warbaahinta Koonfur galbeed maanta soo bandhigtay shaqsiyaadkaas qaybta ka ah barnaamishka Dood wadaag oo cawada ka bixi lahaa TVga UNIVERSAL kaasoo layskugu keeni rabay dadka aan kor kusoo xusnay oo qayb ka noqday qorshaha sadexda gobol ee ay  Shariif Xasan iyo walaalkiis Mad Deer hor boodayaan iyo weliba kuwo kale oo ayagana fikirkoodu gaabanyahay watayna qorshe ah Midland state oo ay ula jeedaan gobolada Hiiraan iyo Bakool iyo sidoo kale kooxda dhul boobka ee Shabelle state iyo kuwa kale ee Raaskambooni.

Hadaba goor dhow oo cawada ah oo lagu waday inuu barnaamishka Dood wadaag toos uga baxo UNIVERSAL TV ayaa waxaa tagay istuudiyaha TVga shaqsiyaadka aan kor kusoo xusnay iyo kuwo ayagana sheeganaya waxa loogu yeero Shabelle state ee ay kooxaha dhul boobka wataan, balse waxaa lagu war geliyay inuu barnaamishkii fashilmay sidaasna lagu baajiyay.

Waxaa halkaas iskagasoo laabtay kooxihii cadawga Koonfur galbeed u adeegayay oo niyad jabsan islamarkaasna waxaa sidaas ku guuleystay warbaahinta Koonfur galbeed oo kasoo shaqaysay fashilinta barnaamishka Dood wadaag oo uu wariye Cawil Daahir oo kamid ah wariyayaasha sida weyn ugu dadaala inay afkooda ku kala dhantaalaan Koonfur galbeed daadihin rabay.

Warbaahinta Koonfur galbeed ayaa waxa ay shaqsiyaadka kor ku qoran qaarkood ka haysaa daliil ku aadan kala dhantaalida dadyowga ku dhaqan Koonfur galbeed ayaga oo qaab khabiileed uga hadlaya! waxa ayna warbaahintu ballanqaadaysaa inay soo gudbin doonto haddii aysan ka waantoobin kala qaybinta dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee ku dhaqan gobolada Koonfur galbeed gaar ahaan dadyowga walaalaha ah ee DM.

Daafeet.Com