Dhegayso..Beesha TUNI oo beelaha Jiido iyo Barawe ku haysata degmooyinkooda!

23
2754

gobolkeenaBeesha Tuni oo ka mid ah beelaha wax ka dega gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay markii ugu horaysay qaadatay mabaadi’dii laga dhaxlay dagaalka sokeeye ee ahayd “Ku qabso ku qadi mayside”Kadib kolkii ay shir ku yeesheen waxgaradka Beesha Tuni magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay beesha kaga hadlaysay sida lasheegay mustaqbalka beesha iyo deegaanada gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ka soo saareen warmurtiyeed ay ku sheeganayaan degmooyinka beesha Jiido sida Kurtunwaareey iyo Sablaale,Sidoo kalena waxay beesha Baraawena ku qabsadeen magaaladooda oo weliba wadata magacooda ee BRAVA.

Hadaba beesha Tuni ma waxay danmooday inay “kuqabso ku qadi maysid”ay wax ku qaadato?
Halkan ka dhegayso Unknown Album

23 COMMENTS

  1. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Tunni waa daad Digil aha Jido iyo Bravanesna waa isla Digil dhulkana Digil iyo Mirifle ma kala laha waa isla wada lenahay ma garanayo waxa gaarka ay Tunni raban sababto aha dhula Digil iyo Mirifle oo dhana ayey mehsey raban ka degi karan Midda kale mehs ufu weyn aya Degaaan waa Kismayo tasi maxa ay ugu tari wayeey Xisabta?

    • Digil iyo Mirifle dhul kama dhexeeyo, beel kastana soohdiinteeda waa soo jireen cad oo leh taariikh lama qaldaan ah, waxaase ka dhexeeyn jirey deris wanaag iyo iskaashi Siyaasadeed oo beryahaan ku lumey hadalada ka soo yeero dadka aqoonta yar.

      Digil wuxuu ku maah maahaa “Soohdin dhuntey Awooy ayaa loo celinayaa”, marka haddii aadan aqoon u lahaynin Deegaanka Beesha Tunni baro Taariikhda Saldanada Tunni, inta ay leedahay iyo beelaha ay soohdiin wadaagta la tahay.

      Beesha Tunni Dhulkeeda wuxuu ka soo bilowdaa Wabi Goofka lagu magacaabo Muungiye oo u dhexeeyo Ceel Axmed iyo Golweyn, wuxuuna ku eg yahay ilaa Juula iyo Jawaayi ee Xuduud Badeedka Kenya iyo Somalia, waa Taariikh aad ka heli kartid Aduunka oo dhan.

      Marka Xareeda haddii aqqon darro ay kaa ahayd hada baar oo baro, haddii kalena ogow in Dhulka Tunni aan ahayn mid la wadaagi karo sida hantida ay moorayaantu soo wada dhacdo.

      • wa runtaada walal dadka aanan aqoon dhulka tunni da mahan in eey iska soo hadlaan beel walbo nah dhul ayeey leedahay dhul nah lama wadaaago bro

  2. adeerayaal Tuni dhukeeda waa layaqaanaa waan wax iska cad tan iyo xiligii sayaad bare waxaa gudoomiye ka haan jirtay beesha Tuni kuntuwaareyna way isladagaan Tuni&jiido mida xigta baraawe waa deegaan ey Tuni ay leedahay waxaan ladega Haatim Asharaaf & Biide wallaalheena jiido dhulkeeda waalawada yaqaanaa Ee haraasadaan

    • waa runta lkn lasoco barawe waxa milki u lah tunni heer barawe wa bortiqiis daraad ayeey nah yimaaden bro

  3. Adeerayaal tuni dhukeeda waa lawadayaqaan waana wax iska cad sablaale muran kama taagna tan iyo xiligii siyaad bare waxaa gudoome ka ahaan jirey beesha Tuni kuntuwaarey waxaa isladage Tuni&jiido baraawe waa deegaan Ee qabiil ma ahan sidaa ula socda Beesha Tuni waxaa ladaga Baraawe Ashraaf haatim & biido

  4. asc kow waxaan kabilaabaa qofka uqoran hareda boliis horta mid ogoow digil iyo merefle dhulkama dheheeyo hadii aad u baahanthy xuduudeenana waalaguu soo sheegaa waxaa kadhexeeyo ookaliya waa wax kuqeybsaga siyaasada marka raali ahow taas waa midaas tankale dadkaan sooqoraayo tuni ayaa dhul dad qabsatey waad qaldantihiin sxbyaal tuni iyo jiido waawada degaan tankale deegaan waxaa leh ninka beeraha iyo xoolaha iyo qoryaha keeno ama baadiyaha kuxeeran magaaladaas degan marka barta duniyda baraawe ayadaa leh aniga tuni mahi lkn digil aytaan ahey ee dhulka hadii aadan kaseynin haka faaloonin my bro

  5. waxa an layabanahay umadan isku heysato maulka dowlada waxan idiin lenahay dowlad mesha majogtee aqliga idin ku yare mamulka konfurgalbeed ayad in ad xojisiin karama kuledihiin iskuxishoda wadankaga wain ad difac naftiina iyo aqligiina iyo malkiina u hurtan ayad wax kuheleysan muqdishow dowlad majogte tas inta caqilga iyo damiirka idinkaga ron o uduban inay umadoda difacaan raca taladooda

  6. Waa arin aad u wanagsan in Dighil degaankiisa uu u istaago oo ayahooda ka taliyaan. Sida aan la socono, mudo badan ayaa degaankas ku jiray gumeeysi mudoow, iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose. Welina way wadaan olohooda ma qarsoona firadooda gumeeysiga Midoow ah, in ay dhibaateyaan degaan aan laheen.

    Tan kale, dadka walaalaha ah, hadii ay wax isku qqabsadaan waa la xaliyaa. Sida waligeed jirtay oona jiri doonta. Lakin, waxaa daran WARABAHA meel kale ugu soo duulay in uu ka faaideesto oo marka dambe, hal-hal loo cuno hadeey tashan waayan, sida ummaddas iyo degaankooda .

  7. Waa arin aad u wanagsan in Dighil degaankiisa uu u istaago oo ayahooda ka taliyaan. Sida aan la socono, mudo badan ayaa degaankas ku jiray gumeeysi mudoow, iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose. Welina way wadaan olohooda ma qarsoona firadooda gumeeysiga Midoow ah, in ay dhibaateyaan degaan aan laheen.

    Tan kale, dadka walaalaha ah, hadii ay wax isku qqabsadaan waa la xaliyaa. Sida waligeed jirtay oona jiri doonta. Lakin, waxaa daran WARABAHA meel kale ugu soo duulay in uu ka faaideesto oo marka dambe, hal-hal loo cuno hadeey tashan waayan, sida ummaddas iyo degaankooda ay ku jireen sida taariikhda xusi doonta. .

  8. Waxaad tihiin walaalo anagana waxaad tihiin wanaalahano so please heshiiya dhulka waa wayenyahay. Wabilahi towfiiq.

  9. waa war fiican in jiido iyo tuni isku qabsadaan dhulka ey wada degaan maxaa yeeley markii hore sablaale iyo kuntuwaarey iyo baraawe waxaa sheegan jirey hawiye hada rajaa soo muuqatey ilaah mahdiisa waaye lkn xalka yaan lagu raadin dagaal oo halagu raadsho nabad

  10. Kkkkkkkkk waxaa layaab ah Mesha dhul mala yaaalo hawiyaa meelkasta haysta Marka Jiido iyo tuni labadaba Horta dhulka hasoo dhacsadaan kadib hadodaan dhulkana qofkasta tariikhda aya saxeysa sida loo kala degan yahay Waa leys yaqaanaa. Dhibataa digil damiirlaawe haysata Aniga waxan ahay Jiido lakin waxa I dhibaya isqabqabsiga dadka ehelka ah.

  11. sableele waxaa iska leh ceyr iyo saleymaan qolooyin tiro yar ayaa la dagan waxaan ku arkaaye wikipedia idinkana waa isku heysatiin daafeet aaba abgaal sheegtey digil maxaa idin heley biimaal aaba dhulkiisa xureystee dulmiga maa ku qanacsantihiin

  12. horta anoonan xad gudbeen waxan ahay tunni hooyadey nah wa habar gidir saleban iyo ceyr iska dhalay lkn anonan qofna u danaani ney waxan leeyahay ninka qaldan ha isa saxo oo dhulka ha iska soo dhiibo ama habar gidir ahoow ama tunni ahoow

  13. asc waxan leeyahay adeer yaal waalis wada yaqaan lisku ma gambanaayo waxbo yoosam hdal idinka tagin dhulkaas waxey umadax banaantahy (tuni) mida xigta waxaan islee yahay jiido horta waa dad aan wada dagno klamana dheerni sidaa awgeed waxan umaleynayaa in ay ku leheen baar lamaanka kursi marka in ay doo daan xaq ayey ulee yihiin

  14. Waarun dhulka tuni aya iska leh cidna madafiri karto ee yaan la isku gamban

  15. wcs waraxma dhamaan somali weeyn waan idin sheega dhulkan mahe cadoow aya nawada haaya kenya iyo ethiopia ee an iska dhicino walaalayaal beesha tunni ahay

  16. Asc waan ka xumahay dadka leh Degmada Baraawe waxaa ku haaysto Barava. Aqoon dara iyo maan gaab idin haaysto bal fiiriya Barava Qabiil ma aha waa magaalo dad oo walaalo 800 sano ka badan kuwada nool…wax dhibaato weligeeda ma ka dheh dhicin ilaaa hadda waay isjecelyihiin. Baraawe waa magaalo Shangamas taas gorgortan magali karo. Dadkiina xanuun ilaah ha idin caafiyo…Hadaaad wax qabsan kartiin Maringuwaye waxaa haaysto biimaal magaala madaxda Shangamas Baraawe Abgal iyo H. Gidir haaysto. Tiise daryeele tukale ku dara.

Comments are closed.