Waa Maxay Sababta Dadka Koonfur Galbeed Aysan Gobolka Banaadir Waxbo Ugu Laheen Iyo Sababa Beesha Hagab Gidir Ay Shabeelaha Hoose Xoog Ku Qabsatay?

3
64

maqalDadka reer Koonfur Galbeed oo Muqdishu degan oo ugu yaraan tiro ahaan waxaa lagu qiyaasa 35%. Haddana waxaa wax lala yaabo ah, in aysan ka tirsaneen dhamaan maamulada degmooyinka gobolka Banaadir Goobaha caanka ah, ee lagu garto ee gobolka banaadir waxaa ka mid ah, Buulo Eelay, oo ah degmo ay aas aaseen dadka koonfurgalbeed.

Waxaase la sii yaab leh, in uusan jirin qof Masuul ah, oo ka soo jeeda koonfur galbeed oo arintaas ka hadlay ama weligiis u ololeeyo.

Hadaba, Waa maxay sababta Qabaa’ilka qaar ee Beesha Hawiye, gaar ahaan Habargidir, oo xataaa Muqdishu xoog ku timid, lana garanayo taariikhda Muqdishu, in maanta ay leedahay in Shabeelaha Hoose Ayaan wax ku leeyahay!

Arintaaan waa arin dulmi weyn oo aan geed looga soo gaban. Waa arin caruur iyo caroolaha ku nool Shabeelaha Hoose aan laga dhaadhicin karin. Markaa Beesha Habargidir, oradkii ay ka soo qaaday Galdaduuud, ayey rabtaaa in ay Shabeelaha Hoose ay ku qabsato taas wax suurto gal ah ma ahan!

Shabeelaha Hoose ummadda degta nooc kasto oo Somali ay ka tahay, waa la garanayaa, ee arinta ha loo daayo dadka u dhashay gobolka. Markaa waxaan leeyahay reer koonfur galbeed, waad horudaan, ee hurddada ka kaca, xaqiina Muqdishu iyo gobolka Banaadir raadsada, runta u sheega Beesha Habargidir, iyo dadka kale ee dulmiga wada. Tan kale, waxaan idinku baaqaa in Khilaafka dhinaca siyaasadda in la yareeyo.

 

Abdi Sheeq

3 COMMENTS

  1. beesha aad kadhawaajisay ee habargedir xoog kuma heesato muqdisho wayna daganaayeen dad koyta ah ma ahan sida biyomaal iyo eelaaywiiq mirifle marka waa dadkii asal loogu yimid dhulkaan soomaliya gees ka geesna waan dagnaa hana ku seexanina inaad hawiye dhulkiisa aad boobtaan habargedir oo kaliya madagna shabeelaha hoose waxaa dagan hawiye oo idil dad kasaari kartaana majirto waxaadna wadiin waa wixii ee soomaliya 1991 kuhalaagsantay waxaan idin dhihi lahaa markale ninkii doon kuyimid ama orod kuyimid dhulkaan waxaa idiin danbeendoonta waa kala orod iyo kala carar iyo qoxooti inaad soomaliya kanoqotaan.waana soo dhowdhowdahay arimahaas aan ka dhawaajiyay meel halagu qorto hada.

  2. War amay ky roontahay in laga taliyo sidii gacmaha la isku qabsan lahaa oo la joojiyaa sheekada ag Ninkii dhoof ku yimid baa geeridu dhibaysaa. Geeridu qof walbay dhibaysaa. haddaan anagu isku jeedno sidee horumar ku gaaraynaa. Tolbeelay Soomaaliyeey, war waxa aduunka ka socda ma wiinaan la socon, hoostiina kaliya ha fiirininee bal hortiina iyo hareerihiina fiiriya.

  3. hawiye wuu yimid xamarne markuu imaado oo duurka ka imaado nuuriyo ayaa lugaha loo marin jiray sidii durkiisa u noqdo wuxuu ku imaan jireen gobolada dhexe ee hawiye wax u mayaalo muqdisho iyo shabeelaha hoose hawiye waxa idin dambeyn doona sidii fircoon loo halaagay oo kale

Comments are closed.