Xog: Garyaqaano Reer Sh.Hoose Ah Oo Ku Hawlan Dacwad Caalami Ah Oo Ka Dhan Ah…

4
35

craimWaxaa soo baxaya warar xasaasi ah kuwaas oo daboolka ka qaadaya qorshe aad muhiim u ah oo ay ku hawlan yihin garyaqaano iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qorshaha ay mutacallimiintaan reer Shabeelada Hoose ku hawlan yihin waxaa laf dhabar u ah dacwad heer caalami ah oo lagu oogayo Xassan Culusow, siyaasiinta, odayaasha iyo saraakiisha ku hawlan xasuuqa, gumaadka, dhaca, boobka iyo kufsiga lagu hayo shacabka iyo maatada Soomaaliyeed ee asal ahaan u dega iskana leh gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddigaan aqoonyahano waxeey ku talo jiraan in garsoorka Mareekanka, midka caalamiga ah iyo ururada u dooda xuquuqal insaanka u gudbiyaan dacwadaan xaasasiga ah oo ka dhan ah Xassan Culusow iyo xulufadiisa oo ay ku lifaqaayihin cadeeymo cad oo tifaftiran oo markhaati ma doonto ah.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ama kuwa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ku kala nool dalalka Mareekanka iyo Kanada oo qaban doona mudaaharaadka aadkau baaxada weyn oo ka dhici doonaa magaalada Minneapolis waxa ay damacsan yihin in ay taageero buuxa u fidiyaan walaalahooda sida foolxuumada ah logu gumaadayo gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida la wada ogyahay Xassan Culusow wuxuu ka qayb gali doonaa kulan caalami ah oo 5 iyo 6 Agoosto ka dhici doonaa magaalada Washington oo ah caasimada dalka Mareekanka. 47 Madaxweeynayaal ka socda dalalka ku yaal qaarada Afrika waxay wada kulmi doonaan Madaxweeynaha Mareekanka Barak Obaama.

Sida ay qortay Jariirada New Vision http://www.newvision.co.ug/news/651660-obama-to-invite-47-leaders-to-us-africa-summit-in-august.html

Shirkaan muhiimka ah waxaa diirada ayaa diirada lagu saari doonaa kobcinta ganacsiga u dhaxeeya Mareekanka iyo 47 dalal Afrikaan, hirgalinta mashaariic horumarineed iyo sare u qaadida amniga iyo xasiloonida siyaasadeed. Hadaba waxaa is weeydiin mudan Xassan Culusow muxuu la shir tagi doonaa?.

 

4 COMMENTS

  1. kkkkk horta been badana websedkan garyaqan heer shabellada hoose hadhihin heer shabeellada hoose iskuma imaan oo ismabo fahansano lkn waxa dhahdaa garyaqaan biyamaala taasaan kaayeela inta qabiil oo shabellada hoose degto markeey israaci lahaayeen habargidr iyo biyamaal aa dagaal kuqasa gobalka gobalkane markocadey iyo salamood ma ahan oo ilaa kismayo ow gelaa dhankaane ila muqdisho owsoo gelaa ninkaane waxow udooda marko iyo salamood mahane nin gobolka uwakiisha majiro oo gobalka dhan marko iyo salamood iyo ceelwareegoow ow kadega iyo ceeljaale kkkkkkkkkkkkkkkkkk marka ninkaan habrgidr aan cabaareeyheeynaa warkiisa hanoqdo oo beenta hanaga dhaafyo

  2. xasan ulusow waxaa la shir Tagi Doonaa in si fiican u soo xasuuqay kuwa leh 6 Gobol ayaan lenahay oo afka meel ma fadhiya. waxaan aad u jeclaan lahaa waxyaabaha Qaar in aan iska dhaafno Baryada iyo calaan calka faraha badan Taas u Bedelno in aan Dhiibno dhaqaale Badan oon ahayn mid afka laga dhoxo hadii kale banaanbax iyo calaan cal waxba nagama reebayaan dhalin yaradeena waa u diyaar in ay wax Dilaan si sharafta shacbigooda u soo eliyaan iyo Tan dhul kooda lakin waa in Leyska Dhaafaa af wakoo may Liki Caamee ta

  3. xasan culusow wuxuu la goobtagi doonaa warbixin ku saabsan sidii uu ugumaaday reer shabeelada hoose, iyo siduu la damacsanyahay guud ahaan reer koonfur galbeed, ma idinlatahay inuu caqliyad taas kaduwan uu latagi doono aniga ma filaayo , balse waxaan idinka codsanahayaa hala kordhiyo mudaaharaadka maalintaas hana la’adeegsado sawiro muujinayaa xasuuqa uu ku sameeye reer sh/h inshaa’allh waan ku fadeexayn doona caalamka hoortiisa weji gabax hakasoo qaadee, aakhirana ilaah hortiisa ala haku fadeexeeyo dhahaa aamiin,,,,,,,,,,,

  4. kkkkkkk mudaharadka kordhiya kulahaa ninkaaan ewel yaa mudaharaada dadka gobalka degan biyamaal kaliya ma ahan oo waa soomaliweeyne biyamaal iyo eelaay miyaa mudaharadee wacdaan iyo gare gaaljecel abgaal shiiqaal ujuuraan geledi wadalaan aaween waa su aale kkkkkkkk mese shabeellada hoose waa marko iyo ceelwareegoow kaliya waa su aaale

Comments are closed.