Dowlada Jabuuti Oo Sheegtey In Ey Kordhin Doonto Ciidamada Kaga Sugan Dalka Somaliya

0
32

jabutiWasiirka arrimaha Dibada dawlada Jabuuti Max’ud Cali Yuusuf ayaa ka sheegay magaalada Jabuuti in dawladiisu ay hadda wado qorshe ay ku kordhinayso ciidamada Soomaaliya ka jooga ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Wasiirku waxaa uu sheegay inay diyaariyeen illaa iyo kun askari oo dheeraad ah oo la geyn doono gobolka Hiiraan oo qeyb ahaan ciidamada Jabuuti ay hadda ka howlgalaan.

Ujeedka ciidamadaan cusub ee ay Soomaaliya u soo dirayaan wasiirka arrimaha dibbadda Jabuuti waxaa uu ku sheegay inay tahay inay xoojiyaan doorka ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka socda sida uu yiri

Dawlada Jabuuti waxay ka mid tahay dawladaha Africa ee Soomaaliya ay ciidamadu ka joogaan kuwaasoo caawiya dawlada Soomaaliya.

 

Daafeet.Com