Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliska Somaliyeed oo Maanta Xilka La Wareegey

0
30

boliiskaWaxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad kooban oo uu xilka ku wareejinaye Taliyahii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal C/xakiim Saciid Saacid, waxaana xilka la wareegay Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Xasan Ismaaciil.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta School Polozio, waxaana kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya, Saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka socotay ciidamada Booliiska Amisom.

Xaflada xilwareejinta marka ay soo dhamaatay ayaa Waxaa Saxaafada la hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliyeed Ibraahin Isaaq Yaroow oo sheegay in maanta kadib Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu yahay Generaal Maxamed Xasan Ismaaciil oo xilkaasi si rasmi ah loogu wareejiyay.

Wuxuu kaloo sheegay in Taliyihii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed in uu kusoo shaqeeyay Duruufo kala duwan, shaqooyinka Qaranka uu u qabtayna ay uga mahadcelinayaan.

Ugu dambeyn Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayuu ka rajeeyay inuu la imaan doono waxqabad muuqda oo ku aadan shaqooyinka Ciidanka Booliiska.

 
Daafeet.Com