Alshabab oo Xaley Madaafiic ku Weerarey Magalada Kismaanyo

0
40

alshaXarun ciidamada Maamulka Jubba ay ku leeyihiin Xaafada Guulwade, gaar ahaan Warshada Hilibka Magaalada Kismaayo ayeey ku dhaceen madaafiicda oo ay ku sugnaayeen xiligaasi ciidamada Maamulka Jubba.

Wariye ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in weerarka madaafiicda uu dhacay xalay saacada markii ay aheyd 2:30 habeenimo, xilligaasi oo badi dadka reer Kismaayo ay jiifeen.

Saddex kamid ah ciidamada Maamulka KMG ee Jubba ayaa lasoo warinayaa inay ku dhaawacmeen, weerarkaasi kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Kismaayo gudaheeda.

Saraakiisha Maamulka Jubba weli kama aysan hadlin Madaafiicdaan xalay Al-Shabaab ay ku garaaceen Magaalada Kismaayo ee khasaaraha kasoo gaartay ciidamada maamulka Jubba.
Daafeet.Com