Afar Nin Oo Ka Tirsanan JIrtey Ururka Alshabab Oo Maanta Lagu Fuliyey Xukun Dil Ah

0
41

Dil Askar DowladaAfar nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saaka maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku fulisay xukun dil toogasho ah.

Fagaaraha Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu toogtay xubnahaan ka tirsanaa Al-Shabaab ee maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuntay.

Raga la dilay labo kamid ah waxaa lagu eedeeyay inay horay u dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida la sheegayna waa ay qirteen dilka Askarigaasi.

Sidoo kale mid kamid ah raga saaka la toogtay waxaa isna lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Shaqsiga Afaraad ayaa isagana waxaa lagu eedeeyay in lagu soo qabtay Qoriga loo yaqaan Hoobiyaha, xilli uu ku sugnaa Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir.
Daafeet.Com