Marxuumad Saado Cali warsame Oo Saaka Lagu Asey Magalada Muqdisho

2
68

sadoAllaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho maanta aas qaran loogu sameeyay marxuumad Saado Cali Warsame oo kooxo hubeysan ay shalay ku toogteen degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Salaada janaasada ayaa lagula tukaday madaxtooyada Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa; madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)” ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan oo ka mid ahaayeen fannaaniinta Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka hadlay aaska ayaa sheegay in Saado Cali ay ka mid ahayd xubnaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya.

Mudane C/weli oo sii hadlaya ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheegaan kooxaha dhibaatada ku haya hoggaamiyaasha Qaran iyo hal-doorka bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab oo isagana ka hadlay goobta aaska ayaa ku sheegay amni-darrada Muqdisho ka jirta inay ka dambeeyaan kooxo ay ujeeddadoodu tahay inay dadka cabsi geliyaan, dhibaatana u geystaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Marxuumad Sado Cali Warsame oo lagu aasay isbitaalka Madiina ee ayaa waxaa intii uu aaskeedu socday la xiray waddooyin dhowr ah oo Muqdisho ku yaalla.

 
Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. naxariistii jano ilaahay hasiiyo saado Cali iyo darawalkii lasocday labadoodaba samir iyo iimaan ilaahay hanaga siiyo gacan kagardaran ayaadishay aamiin aamiin aamiin

  2. Alle waxaan ugu baryeyna janatul fardowsa inta ay ka tagtayna waxaan leeyahay samir iyo imaan alaha hanaga wadasiyo dhimashada waa xaq qof walba waqti ayuu ku leeyahay aduunkan aan joogno maanta

Comments are closed.