Howlgalo Lagu Sugaayo Amaanka Oo xaley Laga Sameeyey Magalada Muqdisho

0
40

baritanCiidamo isugu jiro Booliis iyo nabadsugid ayaa xalay hawlgallo roonda ah Waxay ka sameeyeen qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ujeedkan Howlgaladaan ayaa waxay Saraakisha Amniga ku sheegeen in lagu adkeynaayo Amaanka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada howlgalka sameeynaya ayaa waxay wateen 10 ka mid ah gaadiidka dagaalka kuwaas oo la arkayay xalay iyagoo gaaf meeraya waddooyinka magaalada Muqdisho isla markaana joojinaya gaadiidka qaar baaritaanana ku sameynaya.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in hawlgallada roondada ah ee xalay ka bilowday Magaalada Muqdisho uu noqon doono mid si joogto ah looga samaynaayo magaalada oo dhan.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg uu Shalay soo saaray qorshayaal wax looga qabanaayo ammaanka Magaalada Muqdisho.
Daafeet.Com