GUdoomiyaha Gobolka Banadir Oo Sheegey In Dilka Iyo Amni Xumada Lagula Xisaabtami Karin Mamulkisa

1
43

mungaabGuddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa sheegay in dilalka iyo ammaan-darada ka jirta Muqdisho aan lagula xisaabtami karin maamulkiisa, balse lagula xisaabtamayo hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Muun-gaab ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin ciidammo amni oo weli la hoos-keenay maamulkiisa, balse dhowr jeer oo hore uu warbaahinta ka maqlay in ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsugidda gobolka Banaadir ay si toos ah u hoostagayaan maamulkiisa.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la dhameystiro qorshaha lagu hoos-keenayo maamulkiisa ciidamada booliiska iyo nabadsugidda gobolka, markii arrintaas ay suuro-gashana uu maamulku qaadayo mas’uuliyadda wax walba oo Muqdisho ka dhaca ayna diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ka dhacaya Muqdisho ayna la shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee ammaanka, isagoo xusay in xubnaha Al-shabaab ee dilalka ka geystay Muqdisho uu intooda badan soo qabtay maamulka gobolka Banaadir.

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. muungaabow yaa raba inay muqdisho ama guud ahaanba inay nabad noqoto dowwlad awoodleh kadhalto adogaan rabin iyo kuwa isku sheegaya inay madax yihiin manta waxaa ladilay saado horayna kuwo kale ayaa ladilay , doraadna madaxda sare ayaa sigtay berina waxaas waxkaweyn filo, markaa waxaan leeyahay dowladda ayadaa kamas’uul ah waxaa kasocda dalka haddii ay ku fashilmeen sugudi nabada habaneeyaan xilka.

Comments are closed.