Digreeto Kasoo Baxdey Xafiiska Madaxweynaha oo Lagu Magacaabey Xeer Ilaaliye Cusub

1
38

xasanDigreeto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah loogu magacaabay in Mudane Axmed Cali Daahir inuu noqda Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Digreetadaas oo sidan u qorneyd :

Xeer Madaxweyne Magcaabis Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya markii uu arkay qodobka 87-aad XC, qodobka 9-aad ee XK iyo 99-aad XG ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Markuu arkay soo jeedinta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya RF XRW/DK/000170 Tr 24-07-2014, markuu tixgeliyey go’aankii golaha Wasiirrada FHGW.000.39.07. 14 24-07-2014, Kuna saabsan ansixinta magcaabista xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xilka qaadista xeer ilaaliyihii hore ee uu golahu cod buuxa ku ansixiyey, Madaxweynuhu wuxuu soo saaray xeerkan.

1- Waxaa laga bilaabbo maanta oo ay Tr tahay 26-07-214, xilka laga qaaday xeer illaaliyihii guud ee hore, Cabdiqaadir Maxamed Muuse, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Ansixiyey magcaabista in uu Mudane Axmed Cali Daahir noqdo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

2- Waxa xeerka si deg deg ah markuu Madaxweynaha Saxiixo, waxaa lagu soo daabici doona faafinta rasmiga dowladda Soomaaliya.

 

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay , maxaa xilka looga qaaday xeer ilaaliyihii hore ?, waxaad ogaataan akhistayaasha sharafta leh, manta soomaliya lamarabo qofkii ilah kabaqaya ee iimaankiisu koreeyo ee diidaya dulmiga iyo wax isdaba mariska, waxaan shaki iigaga jirin in xeer ilaaliyihii hore waxaa loo casilay ay tahay in uu kahoryimid kooxdan ‘ damijadiid’ dulmiga ay larabaan umaddan in ay ku xalaalaystaan wax walba si ay uGu shubtaan doorashada lasheegahayo ee 2016 in ay kadhacdo soomaaliya, markaa waxaad ogaataan in uu ilaah idin arkahayo, sidoo kale golaha wasiiradda iyo madaxiina ee madaxdiir, in aad ku tashateen in qofkii idinka hor yimaada in aad xilka kaqaadaan , laakiin waxaan idin akiidinaya in aaadan guul gaaraynin oo aad ku fashilmidoontaan waayo ilaahay wuxuu ku yiri qur’aankiisa sida : أَمْ يَحْسَبُونَ أَنَّا لا نَسْمَعُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَاهُم بَلَى وَرُسُلُنَا لَدَيْهِمْ يَكْتُبُونَ

Comments are closed.