Madaxweynaha Dowlada Federalka Xasan Sheekh Oo Maanta Booqasho Ku Tegey Degmada Garbaharey

2
44

xasanMadaxweynaha dowlada federlaka  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ayaa maanta booqasho ku tegey  Degmada Garbahaareey ee Gobalka Gedo, halkaasi oo si weyn ammaankeeda loo adkeeyay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dagay Garoonka Macmalka ee Degmada Garbahaareey, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo shacab badan ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay gudaha Magaalada Garbahaareey, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulamo la qaato maamulka Degmada iyo Saraakiisha ciidanka.

Waa markii ugu horeysay Madaxweynaha Xasan  Sheekh Maxamuud uu tago Magaalada Garbahaareey ee Gobalka Gedo.

 

 

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. safarkan Gaadmada ah ula jeedadiisa waa Qiiq isku Qaris iyo maran xabaabin Bulshada reer Garbaharey ee ma ahan mid Daacadnimo ku jirto caalamka sidaan in lagu Qadi karo ayaa qabaa waana laga dheregsan yahay markii safar dibada la aadi rabo Gobol been ah ayaa boqasho saacad ka badnan lagu Tagaa ka dibna afka ayaa lagu maceystaa waase laga warqabaa qalbigiisa waxa ka Guuxayo xasan ka Dare

  2. Waxan aamin sanahay inu dadka gobalka isku diri raba mxa yelay barasabka gobalka wxu uga so tagay mogdisho asagon waxbo u sheegin cml

Comments are closed.