Puntland oo Xiriirka u Jartay Dowladda Federaalka

7
58

images-110-150x150

Madaxweynaha Putland C/weli Gaas wuxu ka soo Horjeestay Maamulka Cusub ee  Shalay Beesha Caalamka iyo Dowlada ku saxiixeen in  Galgaduud iyo qeyb Mudug ka tirsan yeeshaan hal Maamul. Gaas oo Warbaahinta ka Hadlay ayaa sidan Yiri:

” Dowladda  Puntland markay aragtay Heshiiskii Maamul-u- samaynta Gobollada dhexe oo taariikhdiisu ahayd 30/7/2014. Markay eegtay Dastuurka Dawlada Federaalka Qodobka 50aad, Faqradiisa 5aad iyo 6aad. Markay aragtay Dastuurka Dowladda Federaalka ah Qodobka 52aad, Faqradiisa 2aad Xarafka -B- iyo Faqradiisa 3aad, waxay go’aan ku gaartay sida soo socoto”:

  1.  Dowladda Puntland waxay ka soo hor-jeedaa Heshiiskii Maamul-u-samaynta Gobolada dhexe, kaasoo khilaafsan Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.
  2. Dowladda Puntland waxay aad uga xun tahay ka Qaybgalka Xubnaha Beesha caalamka Heshiis khilaafsan Dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliyeed.
  3. Waxay Dowladda Puntland Nasiib-daro u aragtaa in Madaxdii sare ee Dowladda Federaalka ah ay horseed ka noqdaan Heshiis ka hor imanaya Dastuurka Dawladda  Federaalka ah, iskana horkeenaya Bulshada Soomaaliyeed.
  4. Dowladda Puntland waxay Wada-tashi ugu yeeraysaa Xubnaha kaga jira Golayaasha Dowladda dhexe ee ka soo jeeda Deegaamada Puntland muddo 15 Maalmood gudahood ah, ugu dambeyn 15 August 2014.
  5. Sidoo kale Dowladda Puntland waxay dib ugu yeeraysaa Xubintii uga Wakiilka aheyd Guddiga dib-u-eegista Dastuurka, Marwo Caasha GeelleDiiriye
  6. Dowladda Puntland waxay go’aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojisay wixii xiriir iyo wada-shaqayn ah ee ay la laheyd dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliyeed.
  7. Dowladda Puntland waxay cadaynaysaa wax alla wixii dhib ah ee ka yimaada Heshiiskaas aan Sharciga ahayn ee Maamul-u-samaynta Gobollada dhexe ee lagu sheeganayey qaybo ka mid ah Deegaamadda Puntland ay mas‘uul ka tahay Dawlada Dhexe.

7 COMMENTS

  1. Fad ama ha fadin waa laku fadsiin iska dulqaada reer budland laba gobol weey idinka badan tahay nugaal iyo bari meeshaan maamul xookan ayaa laka dhisayaa dekedna hobyo ayaa laka dhisayaa caasimadana waa dhuusa mareeb

  2. reer argagax land oo argagaxay ma wiilashii andha gad gaduudnaay aa idinku soosocdo ayaan wax laga argagoxo eheyn kkkkkkkkkkkk

  3. Puntland go’aankeda waa wax kudayasho mudan waa shacab iyo dowladeeda isku mowqif ay yihiin PUPPY, iyo caloshod uu shaqeystaaklaan ooMuqdisho laga xukumona aan ahayn .Guleyso Abdiwelli iska celi Hassan Shekh iyo PM oo wadanka nidamnkisa ku tumanowhayaan.

  4. inj biyood

    ma dulmigaad ku tagereysa ma waxaad caadalad u aragta inaan somali laga dhisi karin mamul am majerten laheyn ama usan majeerten raali ka aheyn hadii mamul la dhisayo ma majerten ba waxlaga weydinaya?waxaad ku tagereyso ma falalka nucaas o kale ahba on cilmiga iyo caqli midna ku dhisneynba punland ayada mamul waa u dhisan yahay ha imansato dhulekeda dhulkaan kalana dee somali weyna is dhex mari karta weeyna is dhex dagi karta balse in mamul la helo waa muhim hadii caqliga ka dhadhacsan yahay majerten moyo inta kale mamul ma yelan karan taas waku caaqli yaro 6 gobol mamulkisa ba cadalad ugu dhaw kofurta somaliya insha alaaaaaaaaaah kasbana ka hir gali dona balse hadii mid kalo lagu hishiyana ayadana waa soo dhawynaya

  5. Waxaa layaableh shaylay markii dowladda ay ku haysay faragelita k/g waxaad ayidsanayd sedaxda gobol adigoo aadan u fiirinin waxaan inay yihiin xaq ama xaqdaro , oo welibana aad og tahay inay xaqdaro yihiin kolka loo fiiriyo dastuurka, ma maantan xaqdardii aad ayidaysay ayay adiga kugu soo laabatay mudane Gaas, waxaad ogaataa marwalba ilaah inuu lajiro xaqa waan ogahay in shalay wixii xamar lagu dhoodhoobay ay ahaayeen wax aan soconaynin , haddana waan kazoo haorjeeda ee adiga iyo reer puntlnadaba noqda kuwo ilaahay tuso wixii sax ah una hadla si rabi kabaqnimo ah.

  6. kuwaan pug’laan la’ leeyahay waaba ismahdiyeen waryaa idin dhageesanaaya horta oo maxaad tihiin marka idinka la idin ka amarqaadanaayo aniga walaahi dadka ay soomaaliya ka dagi lahday waa mjeerteen maxaa yeelay siyaad bare markii latuuray waxay bilaabeen daarood diisam oo ayagaa mucaarad ku ahaa siyaad bare asaga daarood ma’aheen miyaa hadana markeey saado cali ladilay hadana waxay bilaabeen tii shalay oo kale hadana waa taas dadkii gobalada dhexe oo heshiiyay marabaan marka maxaa halkaas idiinka baxay inay yihiin dadka soomaaliya aanan rabin ineey dagto waa ayaga waxba yaanan hawiye la xag xagan qofkii caqli leh waa ujeedaa xaqiiqda soomaliya taal.

Comments are closed.