Dhegayso..Ciidamo ka soo goostay Axmed Madoobe oo u galey Barre Hiirale iyo Qaraxyo Gilgiley Kismaayo

0
30
ciidan usWarka laga helaayo Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Habeennimadii xalay bartamaha Magaalada ay ka dhaceen Qaraxyo kala duwan.
Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen laba Qarax, waxaana la Tilmaamayaa in lagu weeraray Ciidamada Raaskambooni oo mudooyinkaani weeraro ku baacsanaayay Kooxda Alshabaab.
Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu is xig xigay, iyadoona la Tilmaamay inay waxyeelo kasoo gaartay Seddex Askari oo ka tirsan Maamulka Raaskambooni.
Ciidamada ayaa la weeraray xilli ay isku qeybinayeen Howlgalo ay ka fulinayeen Magaalada, waxaana halkaasi lagula eegtay Qaraxyada.
Qaraxyada ayaa la Tilmaamayaa inay fuliyeen Laba ruux oo ay dadka Deegaanka sheegen inay dhigeen meel aan sida uga fogen Fariisimada Ciidamada miinada Rimuudka.
Saraakiisha MKG Jubba ayan weli ka hadlin Qaraxyada xalay lala eegtay Ciidamada, waxaana Saakay halkaasi ka soconaayo Howlgalo lagu baadi-goobayo Alshabaab.
Dhinaca kale War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Raaskambooni ay usoo goosteen Col. Barre Hiiraale.
Ciidamada ka goostay Axmed Madoobe, ayaa gaaray Deeganka Gobweyn ee Duleedka Kismaayo, waxaana la tilmaamayaa inay wateen Hubka Culculus, xiligii ay u goosanayeen Barre Hiiraale.
Ciidamada Axmed Madoobe ka goostay, ayaa gaaraya illaa Sagaal Askari oo iyagu ka cabanaaya dhaqan xumi iyo daryeel la’aan ay kala kulmeen Hoggaamiyaha Raaskambooni.