Xubnaha Golaha Amaanka Ee Qaramada MIdoobey Oo Maanta Safar Ku Yimid Magalada Muqdisho

0
32

securityXubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta aroortii iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka, iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo.

Booqashada shan iyo tobanka xubnood ee Golaha waxaa hogaaminaya Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo Danjire Usman Sarki ee Nigeria. Inta ay booqashada ku joogeen dalka, xubnaha Golahu waxay la kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, xubno sarsare oo ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka.

Booqashadu waxay imanaysaa waqti aad ugu muhim ugu ah Soomaaliya iyadoo dalku isu diyaarinaya marxaladda labaad ee hawlgalka militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxna ka qabanaya xaaladda baniaadanimo ee sii xumaanaysa, horeyna u sii wadaya dib u habeyn siyaasadeed si la isugu afgarto nidaam maamul oo federaal ah.

“Xubnaha Golaha waxay sidoo kale muujiyeen inay filayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay: si degdeg ah u sameyn doonto guddiga doorasha qaran ee madaxabanaan; horseed ka noqon doonto hanaan wax dib u eegid loogu sameynayo dastuurka farina loogu qaadayo dhammaadka sannadka 2015; soona abaabusha doorasho dhacda sannadka 2016.

Wefdiga Golaha Amaanka wuxuu ka koobanyahay wakiillada Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iy Maraykanka (USA).

Daafeet.Com