Qabqablayaal hubka laga dhigay,Idaacado laxiray iyo Nabad-diid Xaad oo calaacalay

1
38

reer xaaraanWaxaa saaka abaarihii Afarta subaxnimo xiliga bariga Afrika weerar qorshaysan ay ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Amisom ku ekaysiiyeen hogaamiye kooxeedyada kala ah Axmed Daaci,Cumar Finish iyo Cabdulaahi Sheekh Xasan oo intuba kasoo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal kuna hubeysan gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey,

Hadaba weerarkan looga takhalusay hogaayie kooxeedyadan kadib ayaa waxaa idaacadaha taageera hogaamiye kooxeedyadan ee Shabeelle iyo Sky ay bilaabeen inay tabiyaan dacaayado raqiis ah oo ay ku doonayaan inay ku jahwareeriyaan dadka reer Muqdisho taasi oo markii danbe keentay in Irdaha loo laabo labadaan Idaacadood.

Dacaayadaha ay tabinayeen idaacadahaasi waxaa ka qayb ahaa wareysiyo ay baahinayeen oo ay layeesheen nabad-diid Maxamed Xasan Xaad.

Nabad-diid Maxamed Xasan Xaad ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xunyahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha qaswadayaasha ah ee ku dhax hubeysan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay inay ka beel ahaan u dulqaadan karin hanaanka dowladnimo ee dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ee ku aadan xubkadhigista .

Nabad-diid Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ololaha ka dhanka ah hubka aan sharciga ahayn iyaga lagu beegsanaayo waxaana uu ku dooday nabad-diid Maxamed Xasan Xaad in hogaamiye kooxeedyada xaq u leeyihiin inay hub ku dhax heysan karaan magaaladooda iyadoo warkaasi uu yahay mid kahor imaanaya hanaanka dowladnimo ee wadanku uu leeyahay.

Agaasimaha Hay’ada nabad sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si geesimo leh u fulinaya qorshaha ay xukuumadu ansixisay oo ahaa ladagaalanka hubka aansharciga ahayn. Arintaan lagu xaqiijinaayo amaanka caasimada dalka waxaa si aad ah ay u dhibtay kooxaha nabad-diidayaasha ah oo ku naaxay nabad la’aanta kajirta dalka, waxaana muuqata in dalka ay kasoo bidhaameyso hanaan dowladnimo oo qeexayaa in caasimada dalka loo wada siman yahay.

1 COMMENT

  1. TO xoolaha qoray maqaalkaan waxaan ku dhihi lahaa isa soo daawee si lagaaga soo dhaqo cudurka hawiye xxxxx waxba meeshaan ha ka booteene si toos ah ugu tag hawiye siiba habargedir ayagaa kaa daaweendoona waxaad cudur ah oo aad qabtid. xxxx.

Comments are closed.