Daawo…AMISOM oo soo bandhigtay Maleeshiyaad ay qabatay iyo Hogaamiye kooxeedyo Xabsiga la dhigay

4
41

xabsiTaliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa goordhaweyd oo maanta ah kusoo bandhigeen Xaruntooda Xalane Hub iyo 18 Maleeshiyo beeleed ka amar qaadanayay mid ka mid ah Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo lagu magacaabo Axmed Daaci oo looga adkaaday dagaal maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dick Prit Olum oo ah Taliyaha Qeybta koowaad ee Ciidamada AMISOM oo Warbaahinta kula hadlay Xalane ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ay saakay howlgal ku qaadeen goobo bartilmamaeed u ahaa oo kuyaala Degmada Wadajir balse ay dagaal kala horyimaadeen sida uu sheegay Maleeshiyaad hubeesan.

Dick Prit Olum ayaa intaa raaciyay in Ciidamadooda iyo kuwa Dowlada ay dagaal la galeen Ciidamo hubeysnaa oo kusugnaa Degmada Wadajir uuna howlgalka intii uu socday kaga dhaawacmay hal Askari waxa uuna shaacay ka qaaday in howlgalkooda uu guul kusoo dhamaaday.

Halka uu Dick Prit Olum uu daaha ka rogay in ay Al-Shabaab u aqoonsan doonaan cidii dagaal kala hor timaada Ciidankooda iyo kuwa Dowlada ayna ula dagaalami doonaan sida ay ula dagaalaan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhanka kale Warar lagu kal soonaan karo ayaa sheegaya in la qabtay Axmed Xasan Cadoow “Axmed Daaci” iyo Cabdulaahi Sheekh Xasan ka dib kolkii loogu awood sheegtay dagaalkii saaka ka dhacay degmada Wadajir isla markaana haatan ay ku xiran yihiin Godka Jilicoow.

Sidoo kale ayaa Ciidamada Dowlada waxay Xabsiga dhigeen Yuusuf Kabaale oo ahaa Lataliyaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”waxaana Wararku ay sheegayaan in Xarigiisa lala Xariirinayo Weerarkii Saaka ka dhacay Degmada Wadajir in uu lug ku lahaa.

niii

niniiii

 

ninii

nini

Daafeet.Com

 

 

 

 

 

4 COMMENTS

  1. Tuugu dheh dadka kuwaan saake lasoo qabtey ayaa dhammeeyey ee hala wada Qabto kuligooda,
    dowlad kuwaanaay ka dhismi La, daha, dhiiga dadkaay gogladaan, ay firaashtaan, ayna cunnaan
    wixii dhimmana ka soo aruuriya hubka
    waa Tuugu dhiiga dad caba

  2. Walaahi waa waxa somali Qasaayo oo 24 sano dowladda u diidaayo, weli waxaa ka si daran kuwa idaacadaha ka hadlaaya Oo imman isku sheegaaya oo dhiiga dadka ka dhergey oo dhimbisha hurunaaya, asigane maalin ayaa caddaalada La horkeeni doonaa,
    may kuwaan see waay yeydii La sheegey waayabee eeweli waxaan jeclaan lahaa in xamar Laga dhoofiyo Lana geeyo meel sida gowantanaamo oo kale ah

  3. Dowladda suwax alla keenaba Qabqablayaasha hala weeraro weli waxaa dhiman kuwa gowoladda ciidamo geystey oo shacabka dhiwaateynaaya hubkanna halaga soobwada dhigi waraawe yaal waaye kuwaa e xassan max, ud kuwaan umadda aad u dhaaratey ka Qawo maanta waxay u hadlaan sida ayada inay dowlad yihiin oo adiga xoolo tahay , kuwaan Qawo

  4. waxaan layaabanahay dadka caqliga laheen oo meeshaan kahadla caqligooda wuxuu yahay waaba in dad masaakiin ah markii xoolahooda ay isku ilaalin lahaayeen xoog lagu qaato inay farxaan dooladana way kasoo horjeedaan sida aan hadalkooda ka dha dhansankaro illaahoow kuwaan aan caqliga iyo damiirka muslinimo laheen wadankeena kaqabo wuxuu kuleeyahay dadka idaacadaha kahadlo oo imaamka isku sheegaaya war dadkaas waa dadkii xaqiiqda kahadlaayay ma waxaad rabtiin in dadka ayna hadlin hadii la dulminaayo idinkaba waxaad ka hadashiin oo u doodiin dad shabeelaha hoose raba inay xoog kula wareegaan oo dadka dulmiya marka waxaa illaahay mar walba uhari doona dadka xaqiiqda ku taagan oo soomalida saxdaa sida hawiye waana dadkii asalka ahaa oo dhulkaan dhan iska leh.biyomaal iyo elaay la isku keen keenay mahan dadkaan waa halyeeyadii qaranka hadaan hada rabno dooladaan 10 minute naguma qaadaneeso inaan katuurno meesha ogoow taas waxaan nahay 10.000.000 milyan idinkana meeqaad tihiin bal iisheega halmilyan magaartiin yaanan la idin xasuuqin unaxa dadkiina doqon yaal yahay aanan lasoconin taariikhda.

Comments are closed.