Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo Dhaweeyey Hub ka Dhigista ka Socota Magalada Muqdisho

0
28

mungaabGuddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xusen Muungaab oo maanta dalka dib ugu soo noqday, ayaa soo dhaweeyay howlgalada ciidamada Dowladda ay hubka uga dhigayaan siyaasiyiinta Muqdisho ku sugan.

Muungaab ayaa wuxuu sheegay in howlgalkaan uu yahay mid wanaagsan oo amniga Magaalada Muqdisho lagu xaqiijinayo, isaga oo ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaabka ay arintaan u wajahday.

Maamulka Gobalka Banaadir, ayaa wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin ka gacansiinta Dowladda dhexe ee dalka sidii hubkaasi loo uruurin lahaa, maamulkana uu kaalintiisa ka qaadanayo.

Waxa kale uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho ku nool looga baahan yahay in Dowladda ay kala shaqeeyaan sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho.

 
Daafeet.Com