Daawo Sawirada:- Shirkii Koonfur Galbeed ee Yurub oo Jawi Wanaagsan Ku Dhamaadey

1
41

stc10 (1)Shalay oo taariikhda ahayd 16 August 2014 waxaa lagu qabtay magaallada Falköping ee dalka Sweden, shirk ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah, Jaaliyaddaha Koonfur galbeed ee Yurub. Ka qeybgalayaasha ayaa waxa ay ka kala yimaadeen waddammada yurub qaar ka mid ah, sida UK, Noway, Jarmal, Talyaniga iyo Sweden.

Shirkani ayaa waxaa kaloo goobjoog ka ahaa wasiirka maalgashiga dibada iyo jaaliyadaha ee dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya Axmed Cismaan Duuble.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa kasoo baxay qodobo dhowr ah oo ey isku raaceen dhamaan dadkii kasoo qeyb galey kulankaas qodobadana waxaa ka mid ahaa.

1. Shirka waxaa uu u aqoonsaday in Golaha Guurtida ee Koonfur Galbeed inuu yahay golaha ugu sareeya ee ay leeyihiiin Shacabka Koonfur galbeed, iyo kan Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia (SW6) inuu ku yimid rabitaanka shacabka koonfur galbeed. Golaha guurtidana waa Golaha ugu sareeya go’aan ka gaariida masiirka iyo danaha shacabka koonfur galbeed ee Sooamaliya.

2. In Maamul goboleedka lixda gobol (KG6) uu yahay maamul ku yimid rabitaanka shacabka, islamarkaana ay dowladda federaalka Somaliya ay ogolaatay bilowgii dhismaha maamulka, tixraac Wareegto ka soo baxaday Xafiiska wasiirka Arimaha Gudaha WAG(AG/XWOOO16/12, taarikhda 15/12/2013.

3. Waxaa la doortay maamul Dallad ku meel gaar ah, mudo hal sano, kaas oo la magac baxday Dalladda Koonfur glabeed ee Yurub, taas oo ka shaqeeyn doonta danaha iyo masiirka ummada koonfur galbeed oo xilligan maraya meel aad u xasiisi ah, loona baahan yhay in labad baadiyo Jiritaaanka iyo taariikdha ummada koonfur gableed.

4. Maanta oo ay taariikhdu tahay 16 August 2014, waxaa loo aqoonsaday maalintii xasuuqii ka dhacay gobollada koonfureed mudadii u dhaxaysay 1991-1999, taas oo maagaalooyin ka mid ah loo bixiyey maagooliyinkii dhimashada. Waxaa kaloo la ogo’aansaday in la sameeyo gudi baaritaan iyo dabagala shaqsiyaadkii geestay falalkaas iyo kuwo ka dhacay Puntland oo dad badan oo DM dhibaato loogu geestay, si maxkamadd loo hor keeno.

5. Waxaa kaloo u sheegaynaa International commmunity (UN Security Council, UNSOM, EU, AU iyo Arab Leage) in ay tixgiliyaan islamarkaasna ixtiraamaan rabitaanka shacabka Koonfur galbeed, taas oo lagu gaari karo, niddaamka federalka iyo dimuqradiyadaa, si loo gaaro nabad ka dhala Gobolka iyo Geeska Africa.

6. Qaloooyinka ka dambeeyo burburinta waxa ay shacabka gacantooda ku sameysteen, iyaga ayaa masuul ka noqon doono dhibaadii ka timaado, oo uu ugu Godoomiyha Baarlamaanka Prof. Mohamed Sheikh Osman, Jawaari, iyo kuwa DM ugu jira golaha wasiirada iyo xildhinaada DM ee ka shaqeenaya sidii ay u burburin lahaayeen horumarka iyo dowlladda ay dhisteen.

stc10 (1)

stc1

stc10 (2)

stc3 (1)

stc3 (2)

stc5 (1)

stc5 (2)

stc7 (1)

stc7 (2)

stc8

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.