Reysulwasaraha oo sheegey in Hub ka Dhigista Loo Baahaanaa In Mar Hore La Sameeyo

0
26

cabdi weli shRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ka hadlayey arimaha hub ka dhigista ayaa wuxuu sheegay in weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamanka dalka 24-kii Bishii May ee sanadkaan iyo weerarkii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada dalka hubkii loo adeegsaday ay ahaayeen kuwa Muqdisho dhexdeeda laga soo dhex abaabulay.

Wuxuu sheegay in hubkaasi ay isticmaalayeen Shabaab uusan aheyn mid laga keenay dibada, balse uu ahaa mid laga soo dhex abaabulay Magaalada Muqdisho dhexdeeda, weliba uu aad u cuslaa hubkaasi.

Isaga oo hadalka sii wata Ra’iisul Wasaaraha dalka wuxuu kaloo sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya wel-wel badan ay ka qabeen inay dhacaan weeraro kale oo Magaalada gudaheeda ka dhaca.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu ka sheegay kulan shalay uu la qaatay Ururada Bulshada Rayidka, wuxuuna ku sifeenayay hadalkaan in hub ka dhigista Magaalada Muqdisho ka socota ay tahay mid wanaagsan oo loo baahnaa in mar hore la sameeyo.
Daafeet.Com