Howlgalo Lagu Sugaayo Amaanka Oo Laga Qabtey Suuqa Bakaaraha

1
39

BakarahaCiidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxa ay kusoo qab-qabteen ku dhawaad 40-ruux.

Howlgalkaan oo ahaa mid amniga Suuqa Bakaaraha lagu xaqiijinayay, ayaa waxaa fuliyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay ka sameeyeen Suuqa gudihiisa, gaar ahaan Sarta Cali Dheere, Nawaaxiga Dahablaha, iyo Suuqa Daawada.

Intii ay ciidamada howlgalka wadeen, waxa ay gacanta kusoo dhigeen dad gaaraya 40-ruux oo uu ku jiro shaqsi hubaysnaa oo watay Bistoolad, kaasi oo la sheegay in baaritaan gaar ah lagu haayo.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid kedis ah, waxaana uu biloowday Saacada markii ay aheyd 10:00 barqanimo xilliga Magaalada Muqdisho, waxaana sameeyay howlgalka ciidamada Dowladda kaliya.

 

Dafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.