Amisom oo Sheegtey in 2016 Wixii Ka dambeya eysan Sii Joogi Doonin dalka Somaliya

0
95

amisomMadaxa AMISOM, Lydia Wanyoto Motende ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sannadka 2016-ka, iyadoo in howsha nabad-ilaalinta ah ee ay u joogaan Soomaaliya ay ku wareejin donaan ciidamada Somalia.

Lydia Wanyoto ayaa sheegtay in muddada ka harsan xilliga ay AMISOM ka baxayso Soomaaliya laga doonayo dowladda Soomaaliya inay cidamadeeda xoojiso, si ay gacanta ugu qabtaan ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale, danjiraha Somalia ee Uganda, Sayid Axmed Daahir oo hadal siiyay wargeyska New Vision ee kasoo baxa Uganda ayaa xusay in 2016-ka ay AMISOM ka baxayso Soomaaliya, isagoo dalalka ciidamada ugu deeqay Soomaaliya ku ammaanay howlihii ay qabteen muddadii ay joogeen.

Wanyoto ayaa iyaduna u sheegtay New Vision in xaaladda Soomaaliya ay ka soo hagaagayso sidii hore, balse ay jiraan jidgooyooyin, kuwaasna dhawaan lasoo afjari doono.

Hadalkan ayay sheegeen Lydia iyo Sayid Axmed iyagoo ka hadlayay guusha ay AMISOM gaartay, xilli ay ka hadlayeen tababar ku saabsan xuquuqda aadanaha Soomaaliya oo la siinayay 30 sarkaal oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada Soomaaliya, kaasoo ka dhacay hoteelka Munyonyo ee Kampala.

 
Daafeet.Com