Qarax Ka Dahacay Garaash Ku yaala Isgoyska Baar Ubax

0
140

qaraxQarax geystay khasaare hantiyeed ayaa goor-dhow ka dhacay garaash lagu iibinayay shidaalka iyo gaadiidka ganacsiga ah oo ku yaalla Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howl-wadaag.

Inkastoo qaraxa ayaa la ogeyn wuxuu yahay, ayaa haddana wararka soo baxaya waxay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid lagu tuuray garaashka, halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan inuu qarxay gaari lagu xiray waxyabaaha qarxa.

Ciidamada dowladda ee goobtaas gaaray ayaa rasaas nool hawada u ridaya iyadoo la xiray waddooyinka ku dhow garaashka iyo isgoyska Baar Ubax, sidoo kalena ay istaageen gabi ahaan gaadiidkii waddooyinkaas marayay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda Somalia ay howlgallo ka billaabeen agagaarka isgoyska, kuwaasoo ay ku baadi-goobayaan kooxihii qaraxa ka dambeeyay oo aan la ogeyn.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay bamka sababay khasaaraha hantiyeed e ka dhacay garaashyadan, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo goob ganacsi lagu bartilmaameedsado waxyaabaha qarxa.

 
Daafeet.Com