Bananbax Sababey Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta Ka Dhacay Magalada Baydhabo

3
37

bananbax1Banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo lagu wado inay maanta tagaan Baydhabo ayaa haatan ka socda magalada baydhaba.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qayb-galay dadweyne fara badan, kuwaasoo ay horkacayeen mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban, iygaoo socod ku maray waddooyinka Baydhabo, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo looga soo horjeedo dowladda.

Bananbaxan oo ku socdey jewi wanaagsan ayaa dadkii bananbaxayey waxaa ey ka war heleen rasaas ey soo fureen ciidanka boliska magalada baydhabo, rasaastan oo geystey dhimasho hal qof ah iyo dhaawac.

Rasaas xooggan ayaa la maqlayay gudaha magalada baydhabo, iyadoo markii dambe ey dibadbaxayaashu goob fagaare ah ku gubeen sawirka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena ku gubay isla goobta sawirka Nicholas Kay.

Ma aha markii ugu horeysey oo loo geysto dil iyo dhaawac taageerayaasha dowlad gobleedka koonfur galbeed ayadoo hada ka hor sidan oo kale banaxbax loogu diley wiil war oo aan waxba galabsan dilkaas oo ilaa iyo hada aysan jirin cid loo soo qabtey.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jirta xaalad kacsanaan ah, iyadoo ay jirto baqdin ah inay dagaallo ka dhacaan saacadaha soo socda, waxaana gabi ahaan xiray goobaha ganacsiga degmada.

banabax

bananbax

bananbax1

bananbax2

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. u dhabar adayga dhulkiina xornimada waa loo dhintaa dhulkiin ha ka yaaline qolo shalay timid in loo xalaaleeyo

  2. Ilaahay hakuu naxriisto Humow gacan kaa gardaran ayaa ku dishay waxaana tahay SHAHIIDKII LABAAD EE U DHINTA DOWLAD GOBOLEEDKSA KOONFUR GALBEED, ILAAHAY JANADA HAKAA WARAABIYO , AAMIIN

Comments are closed.