Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo Weli Xiran

0
55

BakarahaMaalintii labaad waxaa weli xiran ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha, kadib ganacsatada oo gadood ka sameeyay canshuuro kordhin maamulka Gobalka Banaadir uu sameeyay.

Saaka waxaa gabi ahaanba xiran inta badan ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana ganacsatada ay yihiin kuwa hor taag-taagan goobahooda ganacsiga, balse aysan furin.

Ganacsatada ayaa diidan bixinta canshuuro xad-dhaaf ah oo Maamulka Gobalka kusoo rogay, waxa ayna sheegayaan ganacsatada in dekada Muqdisho ay canshuurta ku bixiyaan, oo aysan awoodin bixinta canshuuro kale.

Shalay ayeey aheyd markii dadka ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan kordhinta canshuuraha, waxaana xirnaa ganacsiga Suuqa Bakaaraha.
Daafeet.Com