Baydhabo: Daawo Mudaaharad Dhiig ku Daatay loogana soo Horjeeday Imaanshaha Ra`iisul Fitna C/weli

2
45

 

519

Shacabka Koonfuurgalbeed ayaa Wacadkii galeen oo ahaa difaacida Rabitaankooda Maanta markale ka dhabeeyay. Mudaaharaad lagu diidnaa Imaanshaha Ra`iisul Wasaaraha oo ah Nin Qabiili ah ayaa ka dhacay Xaruunta Dowlada Koonfurgalbeed. Kooxdii uu soo diray C/Weli ayaa Cabsi darteeda dadkii Mudaaharaadayay Rasaas ku fureeen. Falkaan fulaynimada ah ayaa waxaa ku shahiiday inta la ogyahay 2 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 3 qof kuwaasi oo ahaa shacabkii Mudaharaadka dhigayay oo si bareer ah loo huwiyay Rasaasta.

Wariye-yaasheena Magaalada Baydhabo ayaa kusoo waramaya in ciidamadii huwiyay Rasaasta dadkii dhigayay Banaanbaxa ay ku lebisnaayeen Dareeska Ciidamada Booliska Dowlada Muqdisho oo ka amar qaata Korneyl Mahad C/raxmaan. Falkaan lagu laayay Shacab dhigayay Mudaharaad Nabadgalyo ah ayaa waxaa ka xumaaday dhamaan dadka Koonfur Galbeed ee ku nool Magaalada Baydhabo iyo Caalamka, hase yeeshee ma ahan wax ku cusub dadka reer Baydhabo oo horay ayaa sidaan oo kale looga dilay Mujaahid Xasan Aadan Keerow oo kamid ahaa dad dhigayay Mudaharaad noocaan oo kale ahaa.

Halkan hoose ka daawo Muuqqalka Mudaaharaadkan

2 COMMENTS

  1. ilaah ha u naxariisto dadkii ku waayey ehelkooda , kuwii ku daawacmeyna ilaah hacaafiyo..halganka shacabka ay ugu jiraan iney gaaraan horumr iyo nabadgelyo waa la gaari doonaa inshaallah..

  2. Protecting the Human Right to Peaceful Protest

    The Universal Declaration of Human Rights was passed by the United Nations General Assembly in 1948, and since then the right to the freedom of peaceful assembly has been echoed in international law, regional standards, and national constitutions throughout the world. Peaceful assembly, while often characterized by marches, rallies, and mass demonstrations, has been defined by the OSCE as the “intentional and temporary presence of a number of individuals in a public place.” The human right to peaceful assembly protects citizens regardless of the intent or purpose of their assembly, but the political nature of peaceful protests can complicate the duty of a nation’s government (“state”) to protect their citizen’s right to freedom of peaceful assembly.

Comments are closed.