Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federalka Oo La Kulmey Wasiirka Gashandhiga Turkiga

0
44

xamudWasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo socdaal ku jooga magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkey ayaa kulan la qaatay dhigiisa Turkiga.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray dalka Turkiga ayaa lagu sheega ujeeddadiisa mid la xiriira xoojinta iskaashi heshiiskii dhinaca ciidamad ahaa ee ay horay labada dal u kala saxiixdeen, gaar ahaan labada wasaaradood.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah kuwaasoo ay ka mid yihiin siidi wasaaradda gaashaandhigga Turkiga gacan uga geysan lahayd dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Cismad Yalmas ayaa ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada ay wasaaradda gaashaandhigga Somalia ugu jirto dib u soo nooleynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 
Daafeet.Com