Daawo..Safiirka dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya oo Baydhaba tagay

2
36

10628390_715442591865739_269317352439442339_nWafdi balaaran oo uu hogaaminayay danjiraha dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan ayaa waxay maanta soo gaareen magaalada Baydhaba caasimada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed.

Wafdigan oo ay xubnihiisa ka mid ahaayeen lataliyaha Ra’isulwasaaraha dalka Britain Devid Camaroon arimaha dalalka Soomaaliya,Siiriya iyo Ciraaq waxayna wafdigu kulan kula qaateen xarunta ADC-da oo fadhi u ah golayaasha maamul goboleedka KoonfurGalbeed mas’uuliyiinta maamulka oo uu ugu horeeyo madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed waxayna ka wada hadleen dhinacyada dardargelinta arimaha Bani’aadanka iyo Siyaasada,Guud ahaana kulanka waxa uu ku soo dhamaaday jawi isfaham.

Safiirka dowlada Britain ayaa tagay dhowr jeer Baydhabo tan iyo intii loo magacaabay inuu dowlada UK uu safiir uga noqday Soomaaliya.

10628390_715442591865739_269317352439442339_n

10612693_715442771865721_2901066207255700960_n

2 COMMENTS

  1. safar aan waxba soo kordhineyn oo madadaalo iyo wax aan jirin baydhaba lala tago Looma bahna ee 6da Gobol marka hore ha ogolaadaano ingiriiska iyo safiirkoda Hadii kale Nokeys key waxba nooma Dhaamaan kuligoda K/ Galbed waxay ku socotaa wado cad oon lex leshasho lahayn Talaaboyin cad cadna waa qaadi Donaan ingiriis iyo xamarna waxba ugama bahna dhul;kodana id ay uga Tanaasulayaan ma jirto Qawanaada la soo cadegsadaeyna waajibkooda ayaa la marin Donaa sida ibrahin yerow iyo khalid

  2. sadex gobol meel aan aheen oo rra ay degto miyaa jirta ingiriis waa usheegay runta haday diidaana somali way istaqaan nin walba wuxuu yahay

Comments are closed.